Shabakadda Bulshaweynta Digil iyo Mirifle

CODISI WAX U QABASHO WIIL DHALAN HAL BIL KELIYA DHIBAATEYSAN – CABDIXAKIIM MOHAMED YAROW.

Baidoa, 10-April-2008(BD&M)   Walaalyaal, Waxaan halkan idinku soo gudbineynaa  taariiskhdu markey ahayd 08 March 2008 uu ku dhashay wiil  degmada Baidoa, wiil kaas too laden meal alga seafood.  Saxaradiisana ay ka imaaneysay Afka Mantag ahaan.   Arintaan ka dib markii ay arintaan la ogaaday ayaa la isku dayay in wax looga qabto wiilka  isbitaalka Burbursan ee magaaalada Baidoa, hase yeeshee wey adkaatay.  dhaqaale iyo tagsiilaad  deg deg ah meel kale loogu diri karana  wiila lama helin.

Intaa ka dib, xaaladda canuga oo halis gashay awgeed, shaqaale caafimaad oo ku sugana isbitaalka ayaa isku dayay inay ku suubiyaan qaliin, kuna guuleystay inay canuga u furuun goob uu ka saxaroodo, si kumeelgaar aha. hase yeeshe, nasiib daro, goobtii hadana marlabaad ayaye xirantay oo isku dhegtay. haddana, waxaa qasabnoqotay in marlbaab lagu suubiyo qaliin, shaqaalihii caafimaadka ay qaliiin ku suubiyaan, laakiin haddan waxaa soo baxday calaamado in laga yaabo in  mar sadaxaad ay goobtii ku dhowdahay inay xiranto!! oo ay laga cabsi qabo inuu wiilka hadana caafimaadkiisa halis gasho.

Sidaa darteed, Aabaha canuga dhalay oo ah wariye, dan yar oo aanan heysanin wax dhaqaale ah,  kana shaqeeya idaacadda Bay ayaa waxaan ka codsaneynaa in hadii wax loo qabankaro arintaan deg-degga  ah wax loogu qabto.  ogow, hadii mar sedexaad ay xiranto goobta saxarada, waxaa aad iyo aad u adkaandoonto in wiilka la badbaadiyo. tan lake, mudadii dhowrka maalmood ee wiilka uu ku xirneeyd saxarada, afka ayuu ka keenayey, mantag iyo saxaro isku jira!!

Fadlan, arintaan bani aadanimada leh waxan si nahriis ah idinka ka codsaneynaa in wax looga qabto wiilkan yar iyo familka dhibaateysan.

SAWIRADA WIILKA DHINATEYSAN, CABDIXAKIIM MOHAMED YAROW:

XARUNTA DARYEELKA BULSHADA (XDB)

COMMUNITY CARE CENTRE (CCC)

BAIDOA, SOMALIA ( E-mail: community_carecentre@yahoo.com)

TEL; + 2521-5590175

CONTACT PERSONS: SAHRO MOHAMED NUR –Gudoomihya CCC,

MOHAMEDE NUUR YEROW – AABAHA WIILKA DHALAY

TEL. +2525903822 /+2521-5863683

& MOHAMED ALI KALAAY, TEL. + 2521-55900134/+252-5967852

 

Community Care Centre - CCC:
Xaruunta Daryeelka Bulshadda: Baidoa – Somalia.
Community_carecentre@yahoo.com

www.Bdigilmirifle.com