|
Shabakadda Bulshaweynta Digil Mirifle |
|
Xaflada lagu taageerayey doorashada guddoomiyaha odayaasha dhaqanka iyo ku xigeenadiisa oo maanta lagu qabtey magaalada Baydhabo.
10/07/08 Baydhabo-BDM Media:Xaflada lagu taageerayey doorashada guddoomiyaha odayaasha dhaqanka iyo ku xigeenadiisa oo ay soo qaban qaabiyeen ururka haweenka koonfur galbeed Soomaaliya ayaa maanta ka dhacday hoyga marwo Bintow Shariif Sheegow oo ah guddoomiyaha ururka haweenka Koonfur Galbeed.
Xafladaan ayaa waxaana ka soo qayb galay guddoomiyaha odayaasha dhaqanka Digilmirifle Axmed Maxamed Yacquub, labadiisa ku xigeen, hoghayaha guud ee odayaasha dhaqanka Digilmirifle, guddoomiyaha golaha siyaasiyiinta iyo aqoonyahanada, afhayeenka golaha siyaasiyiinta iyo aqoon yahanada.
Ugu horayntii waxaa halkaas ka hadlay marwo Bintow Shariif Sheegow oo sheegtay in haweenka Digilmirifle ay soo dhowaynayaan halgalnka loogu jiro in xurriyad ay ku noolaato bulsha waynta Digilmirifle iyadoo sidoo kale sheegtay inay soo dhowaynayaan Dimuqaraadiyada ay ku dhacday doorashada guddoomiyaha odayaasha dhaqanka Axmed Maxamed Yacquub iyo xibnaha kale.guddoomiyaha odayaasha dhaqanka
Dr. Axmed Maxamed Yacquub oo isna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in haweenka Digilmirifle ay mar walba astaantooda ay tahay u ololaynta nabada iyo midnimada iyo ka shaqaynta Digilmirifle isagoo sheegay in haweenkooda aan ka maarmin fikirkooda iyo tusaalahooda isagoo bilow wanaagsan ku tilmaamay xaflada sharafta loo sameeyey,
Sidoo kale Pro. Ibraahim Muuse Xayrow, guddoomiyah golaha siyaasiyiinta iyo aqoon yahadana Digilmirifle ayaa asagana hakaas ka hadlay waxa uu sheegay in uu aad ugu faraxsanb yahay in haweenka Digilmirifle ay soo dhoweeyaan fikirka fikirka walaalahooda odayaasha dhaqanka Digilimirifle isagoo sheegay in haweenka Digilmirifle looga baahanyahay inay garab istaagaan qof walba oo doonaya midnimada isku duubnida Digilmirifle.
Arintan ayaa waxy ku soo beegmaysaa xilli degmooyinka gobolka Bay dhowaanahaan ay ka dhacayeen baanbaxyo lagu taageerayo doorashada guddoomiyaha odayaasha dhaqanka Digilmirifle.
BDM-Media Office. Baydhabo |