|
Shabakadda Bulshaweynta Digil Mirifle |
|
Kulan ay isugu yimaadeen odayaasha dhaqanka beelaha Digilmirifle waxaa lagu doortay xoghayaha guud ee odayaasha dhaqanka beelaha Digilmirifle.
09/07/08 Baydhabo-BDM Media: Kulanka caadiga ahaa oo ay isugu imaanayeen odayaasha dhaqanka beelaha Digilmirifle ayaa maanta ka dhacay huteelka Caalin Center iyadoo kulankaasi uu fadhiyey guddoomiyaha cusub ee odayaasha dhaqanka Digilmirifle Axmed Maxamed Yacquub iyo ku xigeenadiisa.
Sidoo kale maanta halkaasi waxaa lagu doortay xoghayaha guud ee odayaasha dhaqanka oo ay u tartamayeen, Sheekh aadan cali yerow iyo Injineer Mayow. Tartanka labada musharax ayaa ahaa mid u dhacay codka sanduuqa. Malaaq Sheekh Aadan Cali yerow ayaa ku guulaystay markii dambe kadib markii uu helay 58 cod halka Malaaq Injineer Mayowna uu helay 53 cod. Injineer mayow ayaa markii laga guulaystay waxa uu balan qaaday in uu lashaqaynayo saaxiibkiis. Xoghayaha guud ee odayaasha dhaqanka. Waxaa kaloo la doortey gudoomiye ku xigeenka 2aab oo loo doortey Malaaq C/Laahi Cali Aadan (Malaaq Shuukey) sidoo kale waxaa la doortey Afhayeenka Odeyaasha dhaqanka beelaha Digilmirfle oo loo doortey Malaaq Maxamed Yacquub Sheikh (Malaaq Deerow ) Sheekh Aadan Cali yerow ayaa sheegay in uu u mahad celinayo saaxibadiisa doortay iyo inta aan dooranisagoo balan qaaday inuu ka shaqayndoono danaha qowmiyada Digilmirifle. Go'aanada guulaha ay gaarayaan odayaasha dhaqanka ayaa waxay yihiin kuwo is garab yaala iyadoo shalayna ahayd maalin ku wayn bulshawaynta Digilmirifle waa markii ay heleen daawadooda ayna heleen hogaan midaysan oo ay
BDM-Media Office. Baydhabo |