Shabakadda Bulshaweynta Digil  Mirifle

Shir ay isugu yimaadeen mas'uuliyiinta jaaliyada Digil Mirifle ee ku nool dalka sacuudi carabaya oo loogu Hadley arimo dhowr ah.

Jeddah, 16-April-2008(BD&M)   Shirkaan oo ay ku soo qeybgaleen dhamaan xubnaha ururka uu leeyahay ayaa waxaa sida caadada ah maalin walboo jimco ah ku furmaa magaalada Jeddah ee dalka sacuudi carabiya.

Fadhiyada caadiga ah ee ururka ayaa badanaa loogu hadlaa arimaha bulshaweynta Digil Mirifle hadii ay ahaan lahayd kuwa ku dhaqan dalka gudihiisa iyo dibadiisaba iyo isku xirnaanshaha umada Digil iyo Mirifle iyo waxyaabaha u dan ah.

Hase ahaatee fadhigaan ayaa loogu Hadley arimo ay ka mid yihiin waxyaabihii ka qabsoomey  maamulka lagu wado in loo dhiso dowlad goboleedka mudooyinkaanba howshiisa la wadey waxaana warbixin ka bixiyey halka ay howsha mareyso gudoomiyaha jaaliyada eng. Cumar Mursal Yaxye oo faafaahin dheeri ka bixiyey halka ay arin mareyso.

Sidoo kale waxaa la'isla soo hadal qaadey  macquul ahaanshaha in ay sameeyaan hayad samo fal oo u adeegta dalka iyo dadka taasoo ay mudooyinkaaba howsheeda ay wadeen ayadoo ugu dambeyntiina la'isku afgartey in qodobkaas jimcaha soo socda laga wada hadlo.

 Si kastaba ha ahaatee howshaan ay isu xilsaareen jaaliyada Digil Mirifle ee ku dhaqan dalka sacuudiga ayaa ah how ay shaqsi ahaantooda isku xilsaareen oo aysan la xiriirin dowlad iyo hay'ado caalimi ah midna.







Maxamed Nuur Ibraahim (Aasto)
nuuraasto@bdigilmirifle.com

www.Bdigilmirifle.com