Shabakadda Bulshaweynta Digil iyo Mirifle

Magaalada jeddah ee cariga boqortooyada Sacuudi Carabiya waxaa lagu qabtey xaflad furitaanka websideka www.bdigilmirifle.com xafladaas oo ay kasoo qeybgaleen aqooyahanada, culmaa'udiinka iyo dhalinyarada jaaliyada Digil iyo Mirifle ee dalka sacuudiga iyo marti sharaf kale.

Jeddah, 04-April-2008(BD&M)  Xafladaan oo ahayd mid si aad ah loo soo agaasimey ayaa waxaa qudbado dhiirigelin iyo gubaabinba leh ka soo jeediyey aqooyahanadii meesha isugu timid oo ay ka mid ahaayeen gadoomiyaha jaaliyada Digilmirifle ee Sacuudi Carabiya Mudane eng. Cumar Mursal Yaxye iyo Pro. Muxidiin Macalin Isaaq, Cabdulaahi Kuusow, Jalaal Maxamed Xasan, C/wahaab Xaaji Ibraahim, Col. Yaxye Mursal. Sheeq Maxamed Awow iyo Sheeq Aadan Cabdulaahi.

Sidoo kale waxaa halkaasi ka maqaneyn gudiyada uu leeyahay ururka qeybihiisa kala duwan dhamaan waxay fursad u yeesheen inay araahdooda ka dhiibtaan ama fikaradahooda ku aadan websideka iyo waxa uu ka qabankaro baahida warbaahineed ee beesha iyo soomaalida oo dhan.

Gudoomiyaha jaaliyada eng. Cumara mursal cumar boongo ayaan dhowr jeer ku nuuxnuuxsadey inay tani ay tahay talaabo waxku ool ah laakiin inta dhiman marka loo eego inay tani tahay cirbid dabadeeda taasoo uu ula jeedo ina weli ay hortaalo shaqooyin badan hami farabadana ay u leeyihiin inay dadkooda wax u qabtaan.

Waxaakaloo halkaasi lagu soo hadal qaadey in jaaliyadaha Digil iyo Mirifle oo ku dhaqan daafaha caalamka dalka dibadiisa iyo gudahaba inay gacmaha ay is qabsadaan kuna shaqeeyaan dantooda.

Fikirada in la sameeyo webside u adeega bulshaweynta Digil iyo Mirifle ayaa waxaa ku fikirey iskuna xisaareen jaaliyada Digil iyo Mirifle ee ku dhaqan dalka Sacuudi Carabiya taaso la oran karo inay tahay talaabo muhiim ah haboona in lagu daydo.

Websidekaan uu u adeega bulshaweynta Digil iyo Mirifle waxaa uu qaban doonaa arimahaan:-
 

  • Isku xirka jaaliyadaha bulshaweynta Digil iyo Mirifle oo ku kala nool daafaha caalamka


  • Soo gudbinta fikiradaha wanaagsan ee wax loogu qaban karo bulshaweynta Digil iyo Mirifle


  • Abuurista barnaamijyo dib u dhis dhinaca waxbarashada iyo caafimaadka iyo taakuleynta dadka taagta daran.


  • Soo gudbinta warar xaqiiq ah .


  • Wacyi gelinta dhalinta soo koreysa.


  • Barnaamijyo diini ah.

Websidekan ayaa la filayaa inuu noqdo mud howlo badan u qabta bulshaweynta Digil iyo Mirifle maadaama uu xambaarsanyahay magaca Digil iyo Mirifle.

Gudoomiyaha Jaaliyada D&M ee KSA:
Omar Mursal Yahye
info@bdigilmirifle.com

www.Bdigilmirifle.com