|
Shabakadda Bulshaweynta Digil Mirifle |
|
Warqad furan oo quseyso dhamaan dhaliyaradda Digilmirifle. 20/01/2009: BDM Media Dhamaan dhalanyarada Digilmirifle meelkasto oo ay ka joogaan caalamka waxaa lagu wargelinayaa in ay socdaan dadaalo ladoonayo in lagu mideeyo dhalanyarada qurbo joogta ah ee ka soo jeeda gobolada ay degaan qowmiyada Digilmirifle. Wada tashiyo ama xiriiro ay shabakada warbaahinta Digilmirifle ay la soo sameeyeen aqooyahano u dhashey qoomiyada Digilmirifle oo ay doonayaan inay mideeyaan xiriirka dhalanyarada gudaha ku sugan iyo kuwa qorbo joogta ah si ay aqoontooda iyo aqligooda hal dhinac ay ugu mideeyaan ayna u yeeshaan urur mideeya dhamaan dhalanyarada Digilmirifle magacoodana ku hadla kana turjuma baahida qowmiyada. Inkastoo ay jiraan ururo dhalinyaro oo ku kala baahsan dalka gudihiisa iyo dibadiisiba hadana waxaa lama huraan noqotey in hal urur lagu wada mideeyo si wada jir guul loo gaaro. Shabadaka BDM oo arintaan u aragtey in ay aad muhiim ugu tahay dhalanyaradda Digilmirifle waxay baaq furan u dirayaan dhamaan dhalinyarada qowmiyada Digilmirifle inay xooga saaraan sidii loogu dhabeyn lahaa riyadaan oo ay qabaan dhalinyaro fara badan oo Digilmirifle ah oo ku kala sugan daafaha caalamka iyo dalka gudihiisba balse ay doonayaan in ay halmeel ku midoobaan. Hadaba ururkaan waxa uu u furanyaha dhamaan dhalinyarada Digilmirifle meelkasta oo ay joogaan, waxaana weli socda diiwaan gelinta ka mid ahaanshaha ururkaan hadaba qofkasta oo dhamiir leh doonayana in magaca qowmiyada sare u qaado waxaa laga codsanayaa in uu la soo xiriiro ururkaan si hal maamul oo mideysan loo dhiso. Shabakada BDM waxay diyaar u tahay isku xirka dhalinyarada xiliga ay dhaceyso doorashada gudoomiyaha iyo ku xigeenadiisan iyo wakiilada u kala joogi doona xafiisyada ururka ku yeelan doono gudaha iyo dibada. Howshaan oo u baahan aqoon iyo waqti waxaa qofkasta oo daneynaya in uu ka mid ahaado inuu la soo xiriiro shabakada warbaahinta Digilmirifle email-lada hoos ku qoran.
NB: qofkasta hanoo soo qoro sida uu u arko qaabka loo midoobi karo hana ku soo qoro magaciisa iyo email-kiisa
United Youth of Digilmirifle Association
|