|
Shabakadda Bulshaweynta Digil Mirifle |
|
Wafdi heersare ah oo horgacayey gudoomiyaha Jaaliyada Digil Mirifle K.S.A oo maanta la kulmeen Qunsulka DFG u soo magacaawdey magaalada Jeddah ee K.S.A. Lakulankaan oo ahaa isbarasho, hambalyo iyo bogaadin ay u jeedinayeen Qunsulka cusub iyo ku xigeenkiisa. Isbarasho kadib prof. Muxyidiin Macalin Isaaq oo ah xoghaynta iyo Baratakoolka Jaaliyada Digil iyo Mirifle K.S.A ayaa warbixin dheer ka siiyey shaqada iyo waxqabdka jaaliyada mudadii ay soo jirtey. Gudoomiyaha J.DM K.S.A Eng. Cumar Mursal Yaxye ayaa u hambaliyeeyey qunsulka cusub iyo ku xigeenkiisa kadibna gudoonsiiyey waraaqihii hambaliyada wuxuuna u sheegey jaaliyada DM sibuuxda inay ula shaqeyn doonaan, intaa kadibna waxaa uu faafaahin sare ka bixiyey hadafka jaaliyada oo ah in isku duubnaasho iyo is jaceyl lagu dhex abuuro Jaaliyada soomaaliya ku dhaqan K.S.A. asagoo ka codsadey Qunsulka inuu ku taagyeero arintaas.
Eng/ Maxamed Cabdi Kulmiye Qunsulka DFG u fadhiya K.S.A magaalada Jeddah oo wejigiisa ka muuqatey farxad iyo soo dhaweyn heer sare ah waxaa uu amaan dheer u soo jeediyey Jaaliyada Digil Mirifle K.S.A oo sheegey inay qabteen shaqo muhiim ah oo uu ku fikiraayey in la qabto taasoo ah sida jaaliyada Digil Mirifle ay u dhisteen hogaan mideysan qowmiyadaha kalena loogu baahan yahay.
"Waxaatihiin kooxdii ugu horeysa ii soo hambaliyeysa ka jaaliyad ahaan". Sidaasi waxaa yiri Eng. Maxamed Cabdi Kulmiye. Qunsulka cusub ee loo soomagacaabey Magaalada Jeddah asagoo intaasi ku darey in ay jiraan dhowr Shaqsiyaad oo soo booqdey laakiin Jaaliyada Digil Mirifle ay yihiin jaaliyad dhisan oo mideysan oo hadana ku soo booqatey xafiiskiiisa tii ugu horeysey.
Maxamed Nuur Ibraahim (Aasto) |