Shabakadda Bulshaweynta Digil  Mirifle

 

Shir weyne lagu dooranayay godomiya cusub ay yeelato jaaliyada D&M ee ku dhaqan waqooyiga America ayaa waxaa uu kadhacay magaalada  PORTLAND EE GOBOLKA OREGON,


BDM: OREGON  STATE. 23/02/2010:

Shir weyne lagu dooranayay godomiya cusub ay yeelato jaaliyada D&M ee ku dhaqan waqooyiga America ayaa waxaa uu kadhacay magaalada  PORTLAND EE GOBOLKA OREGON,

 

Shirkani oo si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa waxaa halkaasi xil wereejin ku sameeyay  gudoomiyihii hore ee jaaliyada DM   Muqtar Maalin Abdow Deerow oo hayay xilkaasi mudadii shanta sano ee lasoo dhaafay,Waxaa gudoomiye cusub loogu doortay shirkaasi C/raxmaan Sheeq Mad Deer.

 

Shirkaasi oo si heersare ah loo soo agaasimay ayaa waxaa kasoo qayb galay dad weyne aad u fara badan oo kakala socda dhamaan qaybaha kala duwan ee qoomiyada DM sida Odeyaal Culumaaudiin dhalanyero iyo haween.

kadib markii uu gudoomiyihii hore  Mutaar Maalin Abdow Deerow uu xilkiisa wareejiyay ayaa waxaa si aqlabiyad ah loogu doortay gudoomiyha cusub ee jaliyada Digilmirifle C/raxmaan Sheeq mad Deer, waxaana shirkaasi ayadoo halkaasina shir gudoomiye ka ahaa  Xuseen Boorow.

Waxaa halkaasi ka hadley Aqoonyahano, waxgarad oo ay ka mid ahaayeen  Sheeq Nuur Ibraahi , Hussein Boorow, Hussein Dhaayow  iyo gabdho ku hadlayay afka magaca gabdhaha qowmiyada Digilmirifle ee kunool dalkaasi Mareykanka gaar ahaan gobolka ay doorashadu ka dhacday.

Sidoo kale waxaa isla goobtaasi lagu doortay gudi ka kooban 11 xubnood oo la shaqeeya gudoomiyaha waxaana gudigaasi 5 xubnood laga siiyay oo laga doortay Gabdhaha halka raguna ay ahaayeen ilaa 6 xubnood.


 OREGON  STATE waa gobolka ugu wen ay ku noolyihii Qowmiyada Digilmirifle ee ku nool North America ayadoo shirkii xalay ee ay isugu imaadeen laga dereemayay farxad iyo siday isugu xiranyihii jaaliyadaan ku dhaqan Portland Oregon .


Ugu Dambeyntii Gudoomiyaha Cusub Cabdi Raxmaan Mad Deer wuxuu ugu baaqay dhamaan dadka qowmiyada ee ku kala nool aduunka dacaladiisa inay midoobaan oo ay ka shaqeeyaan horumarinta iyo midnimada qowmiyada  

BDM-Media Office. USA
wararka@bdigilmirifle.com

www.Bdigilmirifle.com