Shabakadda Bulshaweynta Digil  Mirifle

Qaxootiga u barakacay inta u dhexeysa magaalada Muqdisho ilaa iyo degmada Afgooye ayaa laga deyrinayaa xaaladooda sawabo la xiriira dhinaca nolosha iyo caafimaadka.

Qoysaskaan oo ka cabanaya dhibaatooyinka ka haysata dhinaca nolasha ayagoo kuu sheegaya inaysan haysan waxay cunaan ayaa hadana waxaa u dheer roobabka da'aya oo aanay haysan meel ay ka galaan iyo nadaafad xumida ka jirta xirooyinka ay degen yihiin taasoo sawaba cuduro sida shuban biyoodka iyo kuwo kale.

Baaritaana ay sameeyeen shaqaaladha shabakada warbaahinta Bulsho weynta Digilmirifle (BDM-Media) waxay soo xaqiijiyeen in dadka u barakacay xirooyinkaas badanaa ay yihiin dad asalkoodi horeyba ay qaxooti ku ahaayeen xirooyinka ku yiiley magaalada Muqdisho kuwaasoo bartamihii sagaashamaadkii ka soo qexeen gobolada Bay iyo Bakool xili halkaas ay ka jireen abaaro iyo qulqulatooyin colaadeed oo u dhexeyey dadka deegaanka iyo kuwo ku soo duuley.

hadaba qoysaskaan oo u badan waayeel, dumar iyo caruur oo aan haysan cid u maciin bida una baahan kaalmo bani-aadannimo ayaa mudan in wax loo qabto sidii loogaarsiin lahaa kaalmo ama dib loogu celin lahaa deegaanadooda  sida uga dhaqsiga badan si looga fogaado inay dhacaan masiibooyin ka daran kuwa hada jira.

Qorshaha ay ugu talagaleen shaqaalaha  BDM- Media  iyo jaaliyada bulsho weynda Digil Mirifle ku dhaqan dalka Sacudi Arabia waa sidatan:

1-     dhamaan jaaliyadaha Digilmirifle ku nool caalamka inay sameystaan gudiyo sama-fal oo u kuur gala xaalada walaalahooda ku dhibaateysan dalka gudihiisa.

2-     Jaaliyad walba waa inay diyaarisaa xaflad ama shir si ay u soo bandhigaan dhibaatada jirta una dareensiyaan cida aan ogeyn.

3-     Isla waqtiga xaflada laqabano waa in deeq loo aruuriyaa walaalaha dhibaateysan.

4-     Jaaliyadaha Digilmirifle oo dhan waa in ay hal hogaan online ah sameystaa si loo ogaado deeqda la heley, waqtiga la diraayo iyo shaqsiyaadka  ka mas'uul noqonaya.

Inta ay howshaan socoto BDM-Media waxay diyaar u tahay isku xirka iyo soo gudbinta fikradaha kala duwan ay soo diraan jaaliyadaha  waxaa kaloo diyaar u yihiin inay soo bandhigaan saaraan xaflad walba ama shirkasta oo dhaca inta lagu guda jiro howshaan.

 

Waxaan aad u daneyneynaa fikradaha walaaleheena cidii wax ku saa'idin karta ama ka dhimi karta qodobada ku ku xusan.

 

Noogu soo dir info@bdigilmirifle.com

BDM-Media Office. Jeddah
info@bdigilmirifle.com

www.Bdigilmirifle.com