|
Shabakadda Bulshaweynta Digil Mirifle |
|
Wakiilka hay'ada UNOPS iyo Xildhibaan Sheekh Nuur Cali Aadanoo ka soo qeybgaley shirkawaynaha dib u heshiinte beelaha Digilmirifle Shirwaynaha dib uheshiisiinta beelaha Digilmirifle oo wali kasoconaya magaalada Baydhabo ayaa maanta waxaa ka soo qayb galay ma'suul ka socday hey'ada UNOPS wakiilka gaarka ah asagoo ka wakiil ahaa wakiilaka gaarka ah iyo godoomiyaha gudiga dib u heshiisiinta qaranka, kormeerka gobolada iyo degmooyinka dalka Soomaaliya Cabdi Cartan Aadan iyo Cali Aadan ( Cali Beerbeer ).
Ugu horayntii Cali Beerbeer oo hadal ka jeediyey halkaasi ayaa u mahadceliyey dadka soodiyaariyey kulankan dib u heshiisiinta ergooyinka Digilmirifle, asagoo sheegay in qof waliba wax samaysanayo uu garab kahelayo bulshada Soomaaliyeed.
Cali Beerbeer ayaa si gaar ah ula hadlay ugaasyada Digilmirifle. Dhinaca kale Cabdi Cartan Aadan oo hay'ada UNPOS ayaa sheegay in uu ku faraxsanyahay ka soo qeybgalka shirka dib u heshiisiinta. Wuxuu tilmaamay in muhiim ay tahay maskaxda ka dambaysay dib u heshiisiinta Digilmirifle haatan ka dhexjirta. Waxaana uu sheegay in Digilmirifle waligiis uusan maqlin cid ay ku xadgudubtay, asagoo gebagebadii uu sheegay in hiil iyo hoo ay la garabtaagan yihiin. waa markii ugu haraysay mas'uul ka socda hey'ada UNPOS kuu ka soo qayb galo madasha Dib u heshiisiinta Digilmirifle. Sidoo kale xildhibaan Sheekh Nuur Cali Aadan oo ka mid ah xildhibaanada Digil Mirifle ayaa maanta ka qayb galey shirka dib u heshiisiinta Beelaha Digil Iyo Mirifle ee ka soconaya magaalada Baydhabo ee Xarunta gobolka Baay.
Xildhibaan
Sheekh Nuur Cali Aadan oo ka hadley kulankaas ayaa sheegey in aaney ka
xumeyn shirka ka soconaya magaalada Baydhabo isla markaasna ay garab taagan
yihiin mar walba isagoo tilmaayey inay haboon tahay in midnimo ay sameystaan.
DHnaca kale Cmar Cbdulle Mudey oo ka mid ah ugaasyadda ugu da'a wey Digiiyo mirifle ayaa ku baaqey inay isku tanasulaan malaaqyada digil iyo mirifle isagoo sheegey in mirifle looga baahan yahay inay u tanasulaan walaalahooda digil isagoo rajo wanaagsan ka muujiyey ujeedka iyo rajada laga leeyahay in ladhiso dowlad gobaleed ay ku mideysan yihiin dadka degan gobolada koofureed.
BDM-Media Office. Baydhabo |