|
Musharaxiinta u taagan gudoominimada golaha
dhaqanka beelaha Digilmirifle oo sii kordhaya
Afhayeenka golaha
siyaasiyiinta iyo aqoonyahanada Digilmirifle ayaa sheegay inay sii
kordhayaan musharixiinta u taagan guddoominamada golaha dhaqanka beelaha
Digilmirifle isagoo sheegay in musharixiinta looga baahanyahay shuruudaha
soo socda:
1. waa in uu ahaadaa muwaadin Digilmirifle ah.
2. Waa in uu ahaadaa Malaaq ama Suldaan rasmi ah.
3. Da'diisuna aanu ka yarayn 40 sano.
4. Inuu daacad u ahaadaa xilkiisa, Dadkiisa iyo Diintiisa.
5. Waa in uu kadheeryahay qabyaalada iyo musuqmaasuqa.
6. Waa in uu fulin karaa mabaadi'da qowmiyada Digilmirifle.
7. Waa in uu ahaadaa qof khibrad iyo waayo aragnimo u leh dhaqanka qowmiyada
Digilmirifle iyo deegaanadooda.
8. Dhamaan musharixiinta u tartamaya guddoomiyaha golaha dhaqanka
Digilmirifle waa inay dhiqaan lacag dhan 8 milyan oo diboosito ah soo celis
la'aan xilka guddoominimo.
Afhayeenka ayaa gebagebadii sheegay in ay rumoobi doonto hadafka bulshada
Digilmirifle.
BDM-Media Office. Baydhabo
wararka@bdigilmirifle.com
|