|
Shabakadda Bulshaweynta Digil Mirifle |
|
Jaaliyada Digil Mirifle ee Saudi Arabia oo deeq lacageed u dirteen shirka dib u heshiisiinta beelaha Digil Mirifle. Xaaji Maxamed Cadow xoghayaha dhaqaalaha golaha siyaasiyiinta iyo Aqoon-yahanada beelaha Digilmirifle ayaa sheegay in ay soo gaartay deeq lacageed oo dhan $1500 oo shirka ay u soo direen jaaliyada Sucuudiga Digilmirifle. Xaaji Maxamed Cabdow sagoo lahadlaya warbaahinta ayaa sheegay in loo baahanyahay in jaaliyadaha kale ee Digilmirifle ay taageeraan shirwaynaha dib u heshiisiinta bulsho waynta Digil mirifle meelkasta ay joogaan. hay'aha caalamka ay taageereen shirka dib u heshiisiinta bulsho weynta Digil Mirifle Gudoomiyaha golaha siyaasiyiinta iyo aqoon-yahanada DM Prof. Ibraahim Muuse Xeyrow ayaa sheegay in shirkan uu yahay mid mustaqbalka iyo midnimada beelaha Digilmirifle. Shirka dib u heshiisiinta beelaha Digilmirifle ayaa maanta la isku raacay in loo sameeyo sharciga ay ku dhaqamayaan odayaasha dhaqanka beelaha Difilmirifle. Gudoomiyaha golaha siyaasiyiinta iyo aqoon-yahanada Ibraahim Muuse Xeyrow ayaa sheegay in shirkan uu yahay mid mustaqbalka iyo midnimada beelaha Digilmirifle asagoo intaas ku daray in gorgortan aanu ku jirin mustaqbalka iyo xurriyada Digilmirifle. Hadalkan Ibraahim Muuse Xeyrow ayaa ku soo beegamay xilli dhowaantan xildhibaanada baarlamaanka Digilmirifle ay sheegeen in shirkan uu u baahanyahay balaarin. Sikastaba ha ahaatee Shirkaan ayaa ah mid dhamaan umada Digilmirifle ay ka dhursugayaan waxa ka soo baxo ayagoo aaminsan in uu u keeni karo horumar iyo isku duubnaasho. BDM-Media Office. Baydhabo |