Shabakadda Bulshaweynta Digil  Mirifle

Waxaa sii kordhaya taageerida loo hayo shirka dib u heshiisiinte ergooyinka beelaha DM ayadoo maantana ay ka soo qeyb galeen xildhibaano dhowr ah.

Iyadoo wili Magaalada Baydhabo uu ka soconayo Shirweynaha dib u heshiisiinta Ergooyinka beelaha Digil Mirifle ayaa haddana kulankaasi manta waxaa ka qeyb galey Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka  Beelaha Digil Mirifle  ugu jira Xildhibaan Cusmaan Miirow, Axmed Cabdi Cumar (Burule), Maxamed Nuuraani Bakar, Cabdi Xaaji Yariis, Cali Maxamed, Maxamed Xuseen Isaakh ( Afaraale ), Sheekh Madeer, Cali Aadan xuseen, Buule Xasan.

Xildhibaan Cusmaan Miirow iyo Xildhibaan Maxamed Nuuraani  oo halkaasi hadal ka jeediyey ayaa waxay sheegeen inay aad uga farax sanyihiin Shirweynaha dib u Heshiiisiinta  ee ka soconaayo magaalada Baydhabo waxay in taas ku dareen inay aad u taageer-sanyihiin Shirka isla markaasna ay garabtaaganyihiin wax alaale wixii sameyn kara wanaaga iyo midnimada Digil Mirifle.

SHirka ayaa manta ahaa mid aad u Xiisa badan marka loo eego Ajantooyinka laga soo guddbey iyo sida ay uga go’on tahay Odayaasha Dhaqanka Beelaha Digil Mirifle in ay sameestaan ama ay dhistaan Golo ay ku mideysayihiin Malaaqyada Digil Mirifle.

Todobaad kan ayey aheyd markii xaflad aad u sareysa ay ka dhacdey magaalada Baydhabo taasi oo ay ka soo qeyb galeen Mudanayaasha Baarlamaanka Qoomiyada Digil Mirifle oo Xafladan soo diyaariyey Odayaasha Dhaqanka, Ganacsatada, Maamulka Gobolka & kan Degmada Baydhabo, Mas’uulayiin ka socotey  Ururada Bulshada rayidka, Haweenka Afarta  Xaafadood, Ururada Dhalanyada taasi oo lagu taageerey Dhisida Dowlad Goboleedka Koonfu Galbeed Soomaaliya

 

BDM-Media Office. Baydhabo
wararka@bdigilmirifle.com

www.Bdigilmirifle.com