|
Shabakadda Bulshaweynta Digil Mirifle |
|
Shir lagu soo bandhigayey qorshe lagu hormarinayo degmada Buurhakaba sanadada soo socdoa oo lagu qabtey Uk BDM: UK. 23/02/2010: Barnaamijka Hurumarinta Buur-Hakaba ee sanadka 2010-2013 Shir balaaran oo shaley taariiqdu ahayd 20 February 2010 ka dhacay magaalada London gaar ahaan xaafada Vauxhall.
Shirkaas oo ahmiyadiisu ugu weyn ay ahayd sidii loo hurumarin lahaa degmada Buur-Hakaba ee saddexda sano soo socota oo shaley ka dhacay magaalada London ayay kasoo qaybgaleen dad badan oo kakala yimid gobolada waddanka Ingiriiska ka tirsan kuwaasoo isugu jirey rag, dumar iyo caruurba.
Shirkan oo si aad ah loosoo abaabuley ayaa waxuu ku dhamaadey sidii loogu talo galay iyo si kawanaagsan iyadoo halkaas laga soo bandhigey warbixino maqal iyo muuqaal ah sidoo kalena ay dadkii goobta isugu yimid heleen waqti ay ku dhiibtaan fikirkooda.
Shirkan waxaa lagu soo bandhigey qorshaha guud ee Barnaamijka horumarinta degmada Buur-Hakaba oo loogu talagalay muddo saddex sano ah ayaa waxaa halkaas ka jeediyey Jamal Qasin Mursal iyo Ibarhim Ali Hussein(deer) oo si qoto dheer uga hadlay qorshaha guud iyo sida ay ku hirgalayaan taasoo si aad ah ay dhamaan dadkii halkaas isugu yimidna ay si aad ah u ayideen.
Intaas kadib waxaa faalooyin iyo erayo dhiiri galin ah halkaas ka jeediyey odayo iyo dhalinyaro aad ugu riyaaqdey qaab socodka mashruuca hurumarinta degmada Buur-Hakaba iyagoo ku balanqaadey iney hiil iyo hooba la garab istaagayaan.
Dadkii meesha ka hadley ayaa waxaa kamid ahaa odey Maxamuud Gabane, Xasanow Sh.Ali iyo dad kaloo badan oo magaalada si aad ah looga yaqaano oo si aad ah ugu riyaaqey sida loo soo agaasimey barnaamijkaasi.
Gabagadii shirka waxaa lagu doortey guddiyo dhowr ah oo u qaabilsan socodsiinta hawlahaas la xiriira barnaamijka horumarinta Buur-Hakaba. Kuwaasoo kale ah: Guddoomiye Barnaamijka Horumarinta
Ku xigeenka guddoomiye iyo afhayeenka guddoonka
Guddiga isku xirka jaaliyadda reer Buur guddi ka kooban 3qof
Guddiga Barnaamijha Horumatinta
Guddiga Dhaqaalaha
Guddiga Maamulka iyo Nabadgelyada
3-dexda gudaha ayaa laga magacaabi doonaa Guddiga dib usoo noolaynta reer Buur-Hakaba ee UK
Ugu danbeyn dhamaan dadkii meesha isugu yimid oo aad ugu faraxsan waxey balan ku qaadeen iney u hawlgalaan sidii ay uga qaybqaadan lahaayeen hurumarinta degmadaas waxaa laysku raacey inay shirar kuwan la mid ah laga dhigi doono dhamaan Europe, North America, Asia iyo Africa ayadoo mustaqbalka dhow la qaban doono shirweyne reer Buur-Hakaba meel kasta ay adduunka ka joogaanba. BDM-Media Office. UK |