Shabakadda Bulshaweynta Digil  Mirifle

 

Kulan ay yeesheen ergooyinka shirweynaha dib u heshiisinta oo lagu ansaxiyey in malaaqyada ladooranayo laga keeno gudaha iyo banaanka.

Ergooyinka Shirwaynaha dib u heshiisiinta Digilmirifle ayaa maanta kulan ay yeesheen waxaa ay ansaxiyeen in malaaqyada ladooranayo laga keeno gudaha iyo banaanka.

Boqol malaaq ayaa ogolaatay in baanaanka iyo gudaha laga keeno doorashada malaaqyada, sedex ayaa soo jeedisay in gudaha keliya laga keeno malaaqyada.

Shir-gudoonka ayaa gebagebadii ku dhawaaqay in shirkan uu yahay shir muhim ah oo noqonkaro mid lagu tiirsan karo shirgudoonka yaa ka dalbaday malaaqyada in dhabar adeeg ay u sameeyaan rajada laga filikaro shirwaynaha dib u heshiisiinta beelaha Digilmirfle.

Dhinaca kale kulanka ayaa maanta ahaa mid doodiisa xiiso gaar ah xambaarsaneyd iyadoo qof walba hadlayo uu muujinayey in muhiim ay tahay midnimada iyo isku duubnida beelaha Digilmirifle.

Ugu dambeybtii shir-godoonka ayaa xildhibaanada 61 ka Digilmirifle ugu baaqay inay taageeraan midnimada beelaha Digilmirifle iyo in la dhiso dowlad goboleed ay leeyihiin bulshada degan gobolada koofureed

.

 

 

BDM-Media Office. Baydhabo
wararka@bdigilmirifle.com

www.Bdigilmirifle.com