|
Shabakadda Bulshaweynta Digil Mirifle |
|
Shirkii u sameynta maamul goboleedka konfur galbeed oo u gudbaya weji cus BDM: Baydhabo 18/02/2010: Waxaa dhamaaday wejigii 2aad ee kulankii waxgaradka, siyaasiyiinta, Aqoonyahanada, dhalinyerada iyo bulshada inteeda kale kasoojeeda koonfur galbeed Somaliya ay ku lahaayeen magaalada caasimada dalka Ingiriiska London. Wejigii labaad ee shirkaasi ayaa waxaa lagu doortay gudi farsamo oo ka kooban ilaa 15 ruux kaasoo soo dhisaya maamulkii iyo weliba dastuurkii ay yeelan lahayd dowlad goboleedka koonfur galbeed Soomaaliya, waaba hadii la isku raaco qaabka ay gudigaasi wax usoo dhisaan. Gudigaan maamulka soo dhisaya ayaa waxaa hogaaminaya mudane Cabduqaadir Ibraahim Cadeey waxaana xubno ka ah . 1-Injineer Saalax Sheekh Cusmaan 2-Mudane Cabdiraxmaan Baarbe 3-Mudane Maxamed Bootiyoow 4-Cabdirashiid Xaaji Xasanow 5-Cabi Risaaq Sheekh Muxudiin 6-Gaashaanle Sare Madey Nuurey iyo xubo kale oo si weyn loogu yaqaano dalka iyo dibada.
Gudigaan oo gaaraya ilaa 15 ruux ayaa waxaa laga dhowrsugayaa ilaa 3 isbuuc gudahooda inay maamulkaasi kusoo dhisaan si cadaalada ah, waxaana laka cadeynin weli maamulka lasoo dhisayo in ay noqondoonaan dadka hada shiraya ee London jooga iyo haday noqon lahaayeen kuwo dalkii jooga. 3 Isbuuc kadib ayaa waxaa lagu wada balamay in gudigaasi ay soo dhameeyaan howsha shaqo ee loo direy amaba loo xil saarey kaasoo natiijadiisuna lagu balamay in lagu soo bandhigo caasimada labaad ee dalkaasi Ingiriiska Magaalada Birmingham.
Sikastaba ha ahaatee dad badan ayaa waxay ka dhor sugayaan natiijada shirkaan oo hada dhamaaday wejigiisa labaad iyo weliba miraha kasoo baxa shirkaas, wallow aan la ogeyn sida ay u shaqeyn doonaan, sida ay kalsooni ugu heli doonaan bulshada inteeda kale iyo sida meesha ay ka howlgali doono maadaama goobaha maamulada loo sameynayo xiligaan ay joogaan ururo kale oo ayana qaba fikir kaduwan kan ay dadka ku shiraya London ay qabaan.
BDM-Media Office.UK |