|
Shabakadda Bulshaweynta Digil Mirifle |
|
Golaha Siyaasiyiinta iyo Aqoonyahanada ayaa cadeeyey in loo gudbidoono dhisida gole dhaqameed oo ay leeyihiin beelaha Digilmirifle.
Ergooyinka shirwaynaha Dib u heshiisiinta beelaha Digilmirifle oo beryahan uga soconayey magaalada Baydhabo ayaa maanta is cafiyey waxaana ergooyinka loo qaybiyey kitaabo qur'aanka kariimka ah. Golaha Siyaasiyiinta iyo Aqoonyahanada ayaa cadeeyey in loo gudbidoono dhisida gole dhaqameed oo ay leeyihiin beelaha Digilmirifle.
Qodobka koowaad:
Ansixinta wasiiqada golaha.
Qodobka sedexaad: Dejinta
qaabka doorashada. Qodobka shanaad: Dardaaranka iyo ambabixinta ergada. ayadoo faahfaahsan waxaa loo soo bandhigi doonaa ergada.
Afhayeenka culmaa'udiinka ahlusuna waljameeca ahna gudoomiye ku xigeenka Sheekh Axmed Sheekh Maxamed Buraale ayaa sheegay in beelaha Digilmirifle ay yihiin dadka diinta loo soo doonanjiray isagoo ugu baaqay ergooyinka inay dhaqan geliyaan diinta islaamka isla markaasna ay ka dhabeeyaan ku dhaqanka diinta islaamka iyo sunada rasuulka SCW. asagoo ergada la hadlayey wuxuu sheegay in loo baahanyahay in ergooyinka ay meelmariyaan waxyaabaha kulanka haatan lagu soo qaaday.
Dhinaca kale afhayeenka Golaha Siyaasiyiinta iyo Aqoonyahanada Digilmirifle ayaa xaqiijiyey in shirka uu yahay mid go'aanadiisu ay wanaagsanyihiin, waxaana uu tilmaamay in qodobadii la isku raacay ay aad u tirabadan yihiin marka laga reebo dhisida gole dhaqan inta kulanka uu socday waxaa halkaasi laga akhriyey aayado si gaar ah u khuseeyey muhiimada ay leedahay wax wada qabsiga dadka wada dega. waxaana derbiyada ku qornaa halkudhigyo ay ka midkyihiin "sabarkaa bathythy soohyntaawa dhumiyee", "Lamby sumudii apooshey my moog", "Haguulaysto shirwaynaha dibuheshiisiinta".
BDM-Media Office. Baydhabo |