Shabakadda Bulshaweynta Digil  Mirifle

 

GUDDOOMIYAHA GOLAHA DHAQANKA DIGILMIRIFLE OO MAANTA LAGU DOORTAYM/BAYDHABO

(Kulan 2-da bilood socday oo la soo gaba gabeeyay)

 Guddoomiyaha Golaha dhaqan Digilmirifle, ku xigeen iyo hal xoghayn ayaa maanta si rasmi ah loogu doortay magaalada Baydhabo, kaddib kulan muddo laba bilood u socday odayaasha dhaqanka Digilmirifle.

 

Kulankaan oo lagu soo gaba gabeeyay xarunta Caalin Center ee magaalada Baydhabo, waxaa guddoomiye loo doortay Malaaq Axmed Maxamed Yacquub oo helay 69-cod, halka Malaaq C/rashiid Cabdisalaan oo ahaa musharaxii la tartamayey uu helay 46-cod keliya.

 

Sidoo kale waxaa gudoomiye kuxigeen loodoortay  Malaaq Isaaq Ibraahim oo isagu kaguuleystay musharaxii latartamaayey ee ahaa Malaaq maxamed Cabdunuur 

 

مربع نص: Guddoomiyaha Cusub

 

Doorashadaas kaddib Afhayeenka Golaha Aqoonyannada iyo siyaasiyiinta Digilmirifle Fowsi C/nuur Maxamed oo wareysi gaar ah siiyay Web side-ka bdigilmirifle.com  ayaa sheegay in kulanka maanta la soo gaba gabeeyay uu yahay mid muhiimad weyn u leh qowmiyada digilmirile, waayo waxaa muuqanaya in si cadaalad ah ay u dhismeen qeybaha kala duwan ee bulshada, malaaqyaduna ay isku raaceen in doorashadan xorta ah ee maanta dhacday, taasna ay bilow fiican u tahay horumarka aaya ka talinta deeegaanada K/Galbeed.

 

 

“Dhowaan waxaan qaban doonaa kulan weyne guud oo qowmiyadeed, kaasoo ay isugu imaanayaan Aqoonyahannada, Siyaasiyiinta, Culumaa’udiinka, odoyaasha dhaqanka, Haweenka, Dhallinyarada Digilmirife ee ku kala sugan gudaha iyo dibadda” ayuu yiri Fowsi Cabdinuur oo dhinaca kale ugu baaqay beelaha kale ee Soomaaliyeed in ay ku ansixiyaan in ay la qaataan wadiiqada ay u mareen dib u habeynta bulshadooda si ay gacmaha isu qabsadaan loona heli lahaa dal Soomaaliyeed oo mid ah.

 

Munaasabaddii doorashada waxaa ka soo qeyb galay qaar ka mid ah mudanayaasha Barlamaanka KMG Soomaaliya, marti sharaf lagu casuumay, korjoogayaal kale iyadoo dhawaan loo gudbidoono doorashada Madaxweynihii maamul goboleedka. 

 

Tan iyo intii la sameeyay Golaha Aqoonyahanna iyo siyaasiyiinta Digilmirifle waxaa muuqanaya in ay wax badan ka beddeleen dhibaatooyinkii ka jiri jiray deegaannadooda, taasoo maanta gaarsiisay in ay samaystaan hal Golle Dhaqan oo ay ku mideysan yihiin, kaddibna ay u gudbi doonaan kulan weyne muddooyinka soo socda, kaasoo ujeedadiisu tahay sidii ay u dhisan lahaayeen dawlad goboleed ay ku mideysan yihiin.   

 

 

BDM-Media Office. Baydhabo
wararka@bdigilmirifle.com

www.Bdigilmirifle.com