|
Shabakadda Bulshaweynta Digil Mirifle |
|
Gudoomiye kuxigeenka 2aad ee jaaliyada DM. dalka K.S.A oo amaan iyo dhiiro gelin u soo jeediyey howl wadeenada shirka dib u heshiisiinta qowmiyada DM. 05/07/08 Baydhabo-BDM Media: Xaflad qado sharaf oo si heersare ah loo soo agaasimey ayaa waxaa lagu qabtey magaalda Jeedah ee boqortooyada Sacudi Carabia xuruunta jaaliyada Digilmirifle ee magaalada Jeddah.
Munaasabadaas oo ay ka soo qaybgaleen dhamaan xubnaha joogtada ah iyo kuwa aan joogtada ahayn ee jaaliyada Digilmirifle dalka boqortooyada Sacudi Carabia waxaa soo qabanqaabiyey Gudoomiye kuxigeenka jaaliyada DM mudane Col. Yaxya Xasan Mursal oo dhowaantaan loo magacaabey xilka gudoomiye kuxigeenka 2aad jaaliyad DM.
Mar uu la hadlayey ergada joogta shirka ayaa wuxuu ugu baaqay inay u dhabar adeegaan howsha ay hayaan. madaxda xilka loo dhiibana ay noqdaan kuwo u daacad ah hormarinta qowmiyada Digilmirifle.
Sidoo kale halkaasi waxaa ka hadleen gudoomiyaha iyo gudoomiye ku xigeenka 1aad ayagoo hambalyo iyo bogaadin u soo jeediyey gudoomiye ku xigeenka 2aad.
Si kastaba ha ahaatee jaaliyada Digilmirifle ee Dalka Sacudi Carabiya ayaa mar walba waxay isu xilsaaraan sidii ay walaalahooda ku sugan dalka gudihiisa una taagan habeen iyo maalin hormarinta iyo midnimada qowmiyada DM sidii ay u caawin lahaayeen una garab istaagi la haayn. waxaana haboon in qofkasta oo ah Digilmirifle inuu ogaado xaqa ka maqan ama wadada uu ku gaari karo hormor ama dadnimo inay tahay in la helo isku duubnaan. BDM-Media Jeddah Office. |