Shabakadda Bulshaweynta Digil  Mirifle

Jaamacada koonfuta soomaaliya ee M/Baydhabo oo bilowday diiwaangelinta arday cusub oo ayqaadaneyso.

 

 

05/07/08 Baydhabo-BDM Media:   Jaamacada konfuta Soomaaliya  ayaa bilowday diiwaangelinta arday cusub oo ay qaadaneyso.

Maamulka Jaamacada koonfuta Soomaaliya ee Magaalada Baydhabo ayaa sheegay in jaamacadu  maanta bilowday qorista ardayda isagoo sheegay in ay soo gaartay codsiyo kayimid dad doonaaya in ay dhigtaan jaamacada.

Jaamacada koonfurta soomaaliya oo lasheegay in ay furmidoondo bisha sideedaad ee sanadkan 2008 ayaa waxaa taageerayaa jaaliyadaha Digilmirifle ee  kudhaqan dalka dibadiisa.

Jaamacadan laga furaayo Magaalada Baydhabo ayaa  si wayn dadku usoo dhaweeyeen iyagoo u arkay horumar wanaagsan iyo mustaqbal.

Fikrada aasaaska jaamacadaan oo ay ka timi aqoonyahano Digilmirifle ah ayaa waxay fursad u tahay dhamaan Bulsho waynta qowmiyada Digilmirifle iyo inta la degta.

Waxaa xusid mudan jaaliyadaha Digilmirifle ku nool caalamka intiisa kala duwan dadaalka ay u galeen sidii ay u shaqayn lahayd jaamacada koonfurta Soomaaliya kaasoo ay weli garabtaaganyihiin.

 

BDM-Media Office. Baydhabo
wararka@bdigilmirifle.com

www.Bdigilmirifle.com