|
Shabakadda Bulshaweynta Digil Mirifle |
|
baahi caafimaad oo aad u xoogan oo ka jira isbitalka magaalada Baydhabo iyo haweenka oo ay la iildaranyihiin xanuunn dhinaca dhalmada ah iyo dhiigbax joogto ah Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay ahna xarunta baarlamaanka dowlada federaalka kumeelgaarka Soomaaliya waxaa kajira baahi caafimaad oo aad u xoogan, kadib markii gaasib ay ku timid howsha isbitaalka magaalada Baydhabo. Muslimo Nuunow Maxamed, Guddoomiye ku xigeenka labaad ee golaha siyaasiyiinta iyo aqoonyahanada Digilmirifle ayaa ka dayrisay xaalada caafimaad ee magaalada Baydhabo. Waxa ay sheegtay in haweenka ay la iildaranyihiin xanuunn dhinaca dhalmada ah iyo dhiigbax joogto ah islamarkaana loo qaado magaalada Muqdisho ayaga oo dhiibaxaya. Waxay dhaliil kulul u jeedisay hey'ada samafalka oo ay ku eedaysay in ay yihiin kuwo danaystayaal ah oo aan wax u qabanaynin bulshada Digilmirifle. Iyadoo tusaale ahaan u soo qaadatay waxyaabaha hay'adaha ay kaqabtaan gobolda kale. "Xildhibaanadeena 61 ka Digilmirifle waa inay wax kaqabtaan baahida gobolkeena maxaa yeelay dadka kale waxa ay leeyihiin 61 inaga lixdan iyo kowgeena wax maqabtaan, waa inay jawaab degeg ah kabixiyaan baahida caafimaad ee gobolka". sidaasi waxaa tiri Muslimo Nuunow guddoomiye ku xigeenka golaha siyaasiyiinta iyo aqoonyahanada Digilmirifle. Hadalka Muslimo Nuunow Maxamed wuxu yimid xilli dhowaantan hey'ad layiraahdo "koobi" oo laga leeyahay dalka Talyaaniga ay ballanqaaday inay wax ka qaban doonto baahida caafimaad ee isbitaalka dhexe ee magaalada Baydhabo oo ay isticmaalaan gobolada Bay iyo Bokool iyo gedo.
BDM-Media Office. Baydhabo |