|
Shabakadda Bulshaweynta Digil Mirifle |
|
Ergooyinka shirweynaha dib u heshiisiinta o maanta loo qaybiyey kharaaf aqoonsi ah
Ergooyinka shirweynaha dib u heshiisiinta oo maanta yeeshey kulan koodii caadiga ahaa ee magaalada Baydhabo ayaa loo qaybiyey kkaarar aqoonsi ah iyagoo mid mid loo siiyey aqoonsigooda. Ergooyinka oo kala yimid lixda gobol oo ay degaan beelaha Digilmirifle ayaa niyo samo kamuujiyey wada jirka iyo midnimada Digilmirifle. Hogyaha arimaha bulshada ahna abwaan ka tirsan abwaaniinta Soomaaliyeed Maxamed Xasan ( Anjeex) ayaa sheegay in ay haboontahay in wada jir ay ku noolaadaan waalaha Digilmirifle isagoo lahadlayey erooyinka shirwaynaha dib u hesiishiinta ayaa tilmaamay inay is xukumi doonaan Digilmirifle isla markaana ay yihiin dadka ugu khabiirsan dhinaca maamulka iyo aqoonta. Anjeex uxuu tilmaamay uu intaas ku daray in hada iyo wixii kabilowda shirkan dhexdiisa lagu ansixindoono in gacmaha ay isqabsadaan beelaha Digilmirifle oo dhibaatada ugu wayn ay kasoogaartay dagaalad sokeeye mudada 17 sano. Dhinaca kale bulshada reer Baydhabo oo amaan u soojeediyey shaqada iyo hab socodka websiteka bulsha waynta Digilmirifle ee xaruntiisu tahay dalka Sacuudiga. Mid kamid ah odayaasha Baydhabo ayaa sheegay in uu aad u jecelyaha websiteka "bdigilmirifle.com" asagoo amaan u soo jeediyey maamulka iyo shaqaalaha " bdigilmirifle.com".
BDM-Media Office. Baydhabo |