|
Shabakadda Bulshaweynta Digil Mirifle |
|
Xaflad lagu xusayay munaasabadda 1da Luliyo oo ka dhacday xafiiska Jaaliyada Digilmirifle ee magaalada Jeddah. Xaflad Balaaran oo si weyn loo soo agaasimay oo lagu weyneynayo munaasabadda 1da Luuliyo ayaa lagu qabtey xafiiska jaaliyada Digilmirifle ee magaalada Jeddah dalka boqortooyada Sacudi Carabiya Xafladaan oo bilaabatay abaarihii 9dii fiidnimo ee xalay ayaa waxaa ka soo qeybgalay dhamaan xubnaha jaaliyad DM K.S.A. waxaana halkaasi laga soo jeediyey qudbado ku saabsan xuriyada iyo qiimaha ay leedahay midnimda iyo sidii ay ahaan jirtey Soomaaliya beri samaadkii. Cumar Mursal Yaxye Gudoomiyaha Jaaliyada Digilmirifle oo ku dheeraadey taariiqdii iyo wanaagii Soomaaliya ay ku lahayd bulshada caalamka heerkii ay gaarsiisnayd wuxuuna Ilaahay uga baryay in Soomaaliya sideedi hore ay ku soo noqoto. Manaasibada 1 Luuliyo oo ah Markii ay Xoriyada qaateen gobolada Koonfureed ee Soomaaliya islamarkaana ay midoobeen labada Gobol ee Waqooyi iyo Koonfurta ayaa waxay umada Soomaaliyeed ay u tahay maalin aan la iloobi Karin . . Dalka Soomaaliya ayaa waxaa uu Xoriyada qaatay sanadkii 1960 bishii June oo ay ka Xoroobeen gumaystayaashii Talyaaniga iyo Ingiriiska ku waasi oo gumaysi ba'an ku hayay shacabka Soomaaliyeed taasi oo dhalisay in ay aas aasman 13 kii SYL oo ahaa dhalinyaradii dalka Soomaaliya Xoriyada u soo hooya
BDM-Media Office. Jeddah |