Shabakadda Bulshaweynta Digil  Mirifle

(iniskooyky Barbaarty Soomaaliyeed ee Hormariyowky Walbaryshythy)  oo ku howlan yahay horumarinta Alif Maayga

   

      

Iyadoo ururka dhalinyarad Soomaaliyeed ee horumarinta waxbarashda (Iniskooyky Barbaarty Soomaaliyeed ee Hormariyowky walbaryshythy) uu ku howlan yahay horumarinta Alif Maayga ayaa hadana xaflad si heersare loo agaasimay oo ay ka soo qaybgaleen xildhibaanada baarlamaanka beelha Digilmirifle iyo Golaha Siyaasiyiinta Digilmirifle ayaa waxa ay ka dalbadeen jaaliyad waynta Digilmirifle in la isku raaco qoraalada Afmaayga midka la qaadanayo.

 

 

Gudoomiyaha ururka Aadan Sheekh Maxamed ayaa sheegay in ayagoo tixgelinaya jaaliyada ay ka dhasheen in laga soo baaraan dego qoraalka la qaadanayo, asagoo si gaar ah ugu codsaday  madaxda jaaliyada Digimirifle ee Sacuudi ay ajandahooda ay ku daraan ka hadalka ka hadalka horumarinta afaka Maayga oo ka mid ah luuqadaha Soomaaliga.

 

xafiiska wararka B.D.M -Media -Baydhabo

Cali Ilyaas / Maxamed Cali Kalaay
i
lyaas12@live.com

www.Bdigilmirifle.com