Shabakadda Bulshaweynta Digil  Mirifle

GUUSHII RRA- MA QABYAA MISE????...

 

Seddax iyo toban sano oo dhowr bilood ka dhiman ayaa ka soo wareegatay asaaskii ururka qowmiyadda Digil/Mirifle ee RRA oo u dhiganta Xoogagga wax iska caabinta Raxweyn, dhinaca kalena 9 sano ayaa la joogaa markii qeybo ka mid ah gobollada qawmiyadda laga xureeyey dadkii ku soo duulay oo qabsaday 17-kii Settember 1995-kii.

Lixdii bishan Juune 2008-da ayaa munaasabadahaasi loo qaddariyey si sana-dihii la soo dhaafay aan loo xusi jiray, ujeeddaduna waxay ahayd waa marka 1-dee in la is-xusuusiyo halgankii la soo galay iyo in la isweydiiyo in la wada dhamaystiray iyo in kale hadafka iyo himilooyinkii RRA-da; inkastoo  ay jirto habacsxanaan badan, haddana waa wax loo baahnaa in la isku bara-arujiyo.

Magacyadan ka kooban seddax, seddaxda xaraf waxay yihiin sallaan ama jaran-jaro lagu fuulayey masraxa siyaasadda Soomaaliya wixii ka dambeey-ey burburka dawladdii dhexe, si aad ahna ayey uga bateen dhegaha shacbiga, inkastoo intooda badan aan la mahadinin waxtarkooda, hase yeeshee, waxay in badan ku kala duwan yihiin ujeeddooyinka loo asaasay iyo hadafka ay hiigsanaynaan.

RRA asaaskeeda wuxuu la mid ahaa sidii urur gobannimaddoon ah, oo waxay ka dhalatay dad iyo deegaan lagu soo duulay, hadafkeeda ugu weyna waxa uu ahaa in qawmiyaddan ay ka xorreyso dulliga iyo damacii kuwa ku soo duulay, barnaamijkeedda iyo istarateejiyadeeda siyaasadeedna kuma jirin in ay ku duusho meel ka baxsan deegaannadeeda si ay u qabsato, waxayna ku shaqeynaysay mabaad’i waafaqsan xeerarka qaranka iyo qawaaniinta caala-miga.

Himilooyinka dhexe iyo kuwa fog ee ururka RRA waxay ahaayeen in la mideeyo Qawmiyadda Digil Mirifle, ayna ka tashadaan aayahooda, si madax banna-naanaadaana ay u maareystaan siyaasadooda iyo maamulkooda   isla-markaana si simman ay wax ula qeybsadaan qowmiyadaha kale ee Sooma-alida.

Waa wax aan la inkiri karin oo mudan in la sheego in RRA ay soo celisay sharafta iyo karaamada Digil/Mirifle, waxay sandulle ka dhigtay in ay qawmiyadda ka gasho halkii ay ka mudnayd hal-beegga aan caddaaladda ahayn ee ay Soomaalidu ku xisaabtanto, hase ahaatee, waxaa mudan in la isweydiiyo himilooyinkii la lahaa maxaa ka hirgalay? maxaase lagu guul-

Daraystay oo aan la fulinin?

Marka laga soo bilaabo halgankii waxad mooddaa inuu ku shidaal beelay tuulada Leego oo kala qeybisa gobollada Baay iyo Shabeelada Hoose, ma waxay ahayd siyaasad ku tala gal ah oo dadka caadiga ah aanay ka warqa-bin, ma tabartiibaa halkaasi dhaafiweysay, mise hadafkii la hiigsanayey ayaa la gaaray?

Si kastaba ha ahaatee, arrintaasi waxay fursad dahab ah u noqotay dadka xoogga ku haysto gobolka Sh/Hoose, waxay u fududeysay inay ku sii nega-

adaan, dhinaca kale waxay waddada u sii xaartay habacsanaan, khilaaf iyo maamul xumo soo dhex gashay ururka iyo in qeybo ka mid ah mabaad’dii asaasiga ahaa laga weecdo, kaddibna ururka dhaxdiisa ay ka dhacaan waxya-

abo aan marna la filaynin.

Si kastaba ha ahaatee, fursadaha weli waa ay jiraan, ee waxay u baahan yihiin in la helo dareenka iyo tabahii loogaga faa’iideysan lahaa, waxana ugu mudan in marka hore dhidibbada loo aaso wada jirka iyo midnimada Qawmiyadda Digil/Mirifle lana sugo nabadgelyada iyo ammaanka deega-

Annada, waana labada shey oo furaha u ah tallaaba kasta oo loo qaadayo dhinaca wanaagga iyo horumarka.

Guri kasta qofkiisa ayaa dhista, dhismo walbana waxaa asaas u ah aqoon, aqoontana waxay u baahan tahay in laga faai’deysto iyadoo la adeegsanayo maskax iyo caqli saliim ah, waxan aaminsanahay in Qowmiyaddan ay leeda-hay aqoonyahanno takhasusyo kala duwan leh oo ku nool dalka gudihiisa iyo dibaddiisa, waxana ku talinayaa in taas laga faai’deysto si ay suurta gal u noqoto in la kabo dib u dhaca dhinac walba ka saameeyey ummaddan.

 

Waxaa qoray A.S. Abdi

Golaha Aqoonyahannada iyo siyaasiyiinta Digil/Mirifle.

www.Bdigilmirifle.com