|
Shabakadda Bulshaweynta Digil Mirifle |
|
Xildhibaano taagyeerey Shirka dib u heshiisiinta dhabta ah beelaha Digil Mirifle iyo rajooyin wanaagsan ka soo baxaya Shirkaas Iyadoo Mudooyinkaan Mgaalada Baydhabo uu ka soconayo Shirwaynaha Dib u heshiisiinta ayaa markii ugu horaysay waxaa shirkaasi taageeray xildhibaanada baarlamaanka ee ka soo jeeda beelaha Digilmirifle. Xildhibaan Khaliif Sheekh Cabdulaahi ( Khaliif Duray) iyo Xildhibaan Sheekh Shaacir oo ka mid ah xildhibaanada baarlamaanka Digilmirifle oo la hadlayey ayaa sheegay in hiil iyo hoo ay la garab taagan yihiin shirwaynaha Dib u heshiisiinta beelha Digilmirifle. Ayagoo u mahad celiyey dadaka isku keenay ergooyinka Digilmirifle oo culumaa'u diinka Ahlu sunna Wal Jameeca iyo Golaha Siyaasiyiinta iyo Aqoonyahanada. Dhowaantaan ayey ahayd markii jaaliyadaha Digilmirifle ee ku dhaqan dalka dibadiisa ay taageereen shirwaynaha Dib u heshiisiinta Digilmirifle. Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay waxaa weli ka soconaya shirweynaha dib u heshiisiinta odayaasha dhaqanka beelaha Digilmirifle. Shirkan ayaa waxa uu yahay mid loogu magac daray Dib u heshiisiinta Dhabta ah beelaha Digilmirifle hogaanka shirweynaha dib u heshiisiinta beelaha Digilmirifle ayaa rajo wanaagsan ka muujiyey waxyaabaha laga fili karo inay ka soo baxaan shirkaas. Shirkan ayaa waxa uu yahay mid maalin walba loogu doodayo ajando gaar ah oo la isleeyahay in uu xoojin karo midnimada qowmiyada Digilmirifle. Godoomiyaga Golaha Siyaasiyiinta iyo Aqoonyahada Digilmirifle Ibraahim Muuse Xeerow ayaa ugu baaqay odayaada beelaha Digilmirifle inay iska daayaan qabyaalada iyo in lakala saarin walaalnimada beelaha Digilmirifle oo iyagu ay ku haboontahay in aayahooda ay ka tashadaan oo ay samaystaanm, hogaaan midaysan asagoo tilmaamay in nasiib daro ay tahay in qof walba uu meesha uu joogo uu ku sheegto in uu yahay gudoomiyaha Golaha Malaaqyada Digil Mirifle. Magaalda Baydhabo ee xarunta gobolka Baay in mudo ah ka socodo shirweynaha dib u heshiisiinta beelaha Digilmirifle. Ayadoo Saxaafada Gobolka Baay ay baahinayso warbixino ku aadan shirwaynaha dib u heshiisiinta Digilmirifle. xafiiska wararka B.D.M -Media -Baydhabo Cali
Ilyaas |