|
Shabakadda Bulshaweynta Digil Mirifle |
|
Golaha Siyaasiyiinta iyo Aqoonnyahanada Digilmirifle oo taagyeerey dhaarinta Godoomiyahada Jaaliyada Digiilmirifle dalka K.S.A Cumar Mursal Yaxye.
Golaha siyaasiyiinta iyo aqoonyahanada Digilmirifle ayaa taageeray dhaarinta godoomiyaha jaaliyada Digil Mirifle ee dalka Sacuudiga oo dhowaantan loo dhaariyey Cumar Mursal Yaxye. Afhayeenka golaha siyaasiyiinta iyo aqoonyahada Digilmirifle Dr. Fowsi Cabdi Nuur Oo shirjaraa'id ku qabtay xafiiska golaha siyaasiyiinta iyo aqoonyahanada ee magaalada Baydhabo ayaa sheegay in golaha uu ku raacsanyahay dhaarinta godoomiyaha jaaliyada Digilmirifle. Hadalkan wuxuu ka dambeeyey kadib markii kulan ay yeesheen Goloha Siyaasyiyiinta iyo aqoonyahanada Dimigimirifle.
xafiiska wararka B.D.M -Media -Baydhabo Cali
Ilyaas |