Shabakadda Bulshaweynta Digil  Mirifle

shir looga hadlaayey sidii mamul gobaleed loogu sameyn laha gobolada koonfurta Somaliya, ayaa lagu qabtey magaalada Manchester- UK.


Manchester. BDM-Media 06/02/2010

Waxaa magaladda Manchester-UK lagu qabtey shir looga hadlaayey sidii mamul gobaleed loogu sameyn laha gobolada koonfurta Somaliya,waxaana madashaasi soo xadirey, odayaal dhaqameed,aqoonyahano,siyaasiin,xildhibano,saraakiil, iyo rag horey xilal kala duwan ugu soo qabtay dowladihi kala danbeeyey ee Soomaalia.

Aayado Qur,aan kadib, waxaa laga hadlay taarikhda qoomiyada Digilmirifle iyo hor marka ka dhalan karo hadi la sameyo maamul Goboleed .
 
Ayado dunidu, aan qaxooti laga aqoon ayaa qoomiyada digilmirifle waxay qaabili jireen muhaajiriin, oo meelihii ay dagnaayen uga soo carareen dagaalo iyo nolol adag waana la soo dhaween jiray, waxaana la siin jiray nabad galiyo, xuquuq la siman tooda, beer uu tacbado, zakaatul maal, iyo xaas oo loo guuriyo, muhaajirinta qaarkood ama wiilal ay dhaleyn waxay madax ka soo noqdeen tuulooyinkii la dajiyey,  waxaa abaal guud looga dhegay wax laga xishoodo, xaqiirnimo waxay ka gaartay inay fara galiyaan abtirsimadayna. 
 
xumaan xasuusta reer ma dhaqo, waxaa hada loo baahan yahay in loo soo wada jeesto sidee karaamadi, sharafti, taarikhdi iyo midnimadi qoomiyada dib loo soo celeyn laha, ayado cadaalad marna aan laga tagaynin ayuu yiri, Malaag Abdiyow,  
 
waxaa sii kuuban maamul goboolid uga hadlay DR Maxamed jeylaani   hadi  maamul cadaalad ku salaysan la sameeyo waxaa laga gudbaya dhibaatadan nagu dheeraatay, hadi dadka meel isla dagan ka tashadaan  maamul ay raali isaga yihiin waxaa u meel maraya rabitaankoodi nabad ku wada noolaasho, qofka nabad diidka ah oo fidnada ka taliya ama wiilka gacan ka hadalka loo adeegsado waxaa la helayaa walaalkooda iyo waalid kooda hadi la sameysto maamul goboolid waxaa sii fudud loo heley karaa intaan kor ku soo sheegay ayow warkisa ku soo geba gabeey, DR Jaylaani.


 
waxaa kaloo qadka teleefoonka uga soo qeeyb galay  Dr Sheikh nuur Abukar Qaasim, isagu matalaya Jaaliyada qoomiyada digilmirifle ee North America, wuxu yiri      50 sano ka hor tuulooying af maay maay looga hadli jiray maanta af kale ayaa looga hadla,  wuxu soo dhex dhegay su'aal  ka kheeyb galayaasha shirka guryahooda ula soo hooydin, Sida sahan sahan ku u muuqdo waxaa laga yaaba waqtiga ugu dhow inuu is badal ka dhaco dalka Soomaalia sida hada ay wax u socdaan.

Diyaar ma u yihin Digilmirifle in ay madaxweyne dalka ka noqdaan? hadalkisa sidaas ayuu ku soo koobey   DR Qaasim.

 
waxaa shirku hareeyey wadadii loo mari lahaa sameynta maamul goboolid. ragii ka hadlay waxaa ka mid ahaa


Engneer Saalax sheikh cusmaan, Eng. Aayow , Dr Cabdullatiif A.qaasim, G/sare Madey nuurey sheikh,, Mudane, maxamed bootiyow, xildhibaan  cali afgooye iyo qaar kaloo badan.


waxaa go'aan lagu gaaray qodobadana hoos ka xusan saxaafadana loo aqriye
 
1. in la taagyeero sameynta maamul goboleed.


2. in geed dheer iyo mid gaabanba loo fuulo nabad u helida dhulka Soomaaliyeed, gaar ahaan gobolada konfurta Soomaalia.


3. in laga shaqayo mid nimada qoomiyada digilmirifle.


4.in la raadiyo qabaa'ilada nala daga, ( ood wadaag).


5.in la dar dar galiyo guddigii farsamo ee la magacaabay
 
Shir kale ayaa lagu balamay inuu ka dhaco magaalada London  14/02/2010 hadii alle awooda leh edmo insha allah,

BDM-Media
wararka@bdigilmirifle.com

www.Bdigilmirifle.com