Shabakadda Bulshaweynta Digil  Mirifle

 

Shabakadaha Bdigilmirifle, Baidoanews iyo Reegay   Oo Sheshiis Gaarey.


 BDM: Jeddah 07/03/2010

Heshiiska ay gaareen maamulada bogagaan oo ah kuwo laga wada leeyahay koonfurgalbeed Soomaaliya ayaa waxa uu yahay mid bilow ah oo la doonayo in loogu yeero dhamaan maamulada kale ee bogaba laga leeyahay deegaanadaasi ama ay leedahay qowmiyada Digilmirifle.

Heshiis kan ayaa waxa uu yimid kadib markii qoloba dhinaceeda ka caajistay oo ay weysay garabkeeda wax istaagan oo la sheeqaya maadaama goboladu ay badan yihiin wariyaashuna ay cariiri ku tahay sawirqaadista iyo soo tabinta xaqiiqda dhabta ah ee ka jirta deegaanadaasi.

Shabakadahaan heshiiyaya ayaa ilaa iminka aan sameynin wax maamul oo horwada balse waxay ku heshiiyeen keliyah hada in la wada shaqeeyo oo la iska caawiyo dhinacyada wararka, Sawirada, warbixinada, iyo faafinta Alif Maayg.

Reegay maamulkeeda ayaa waxa uu balan qaaday wixii sawiro ama barmaajiyo uu quseeya degmada diinsoor inuu usoo tabin doono bogagaan kale ayaguna ay la ka sugayaan wixii ka dhaca meelaha kale ee ay bogagaasi ka jiraan, baidoanews ayaa balanqaaday wixii ka dhaca Baydhabo halka Bdigilmirfle ayaduna ay balan qaaday inay soo tabin doonto talaabada ay qaadaan jaaliyada sacuudiga ee DM maadaama boga sacuudiga laga maamulo iyo sidoo kale isku xirka jaaliyadaha kale maadaama jaaliayda Digilmirifle ee Sacuudiga ay xiiro fiican la leedahay jaaliyadaha kale.

Waxaa loogu baaqayaa website-yada kale ee qowmiyadu ay leedahay maamulkooda inay kusoo biiraan wada shaqeyntaan oo marka dambe la sameyn doono urur ay ku mideysan yihiin dhamaan bogogaan laga leeyahay koonfurgalbeed soomaaliya dalka dibadiisa iyo gudihiisa intaba.

 

BDM-Media Office. Jeddah
wararka@bdigilmirifle.com

www.Bdigilmirifle.com