|
Shabakadda Bulshaweynta Digil Mirifle |
|
Xildhibaan Axmed Burille oo sharci daro ku tilmaamay magacaabista degmooyinka cusub loo magacaabey gobolada Mudug iyo Galgaduud
Xildhibaan katirsan DFGS. xildhibaan Axmed Cabdi Cumar Burille oo kamid ah xildhibaanada Digilmirifle ayaa sheegay in sharcidarro ay tahay degomooyinka cusub gobolada Mudug iyo Galgaduud loo magacaabay. Xildhibaan Burille ayaa tilmaamay inay jiraan meelo badan oo u qalma degmooyin oo aan iminka madaxwaynaha uusan magacaabin isgoo tusaale ahaan usoo qaatay gobolada ay degaan bulshada Digilmirifle sida degmooyinka gobolka shabeelaha hoose, janaale, Buulo mareer, Toortoorow, Qoryooley iyo degmooyin kale isagoo sheegay inay haboontahay wax walba in sharciga lamariyo, baarlamaankana lahorkeeno. Si kastaba ha ahaatee waxaa jira dhowr tuulo oo ku yaala deegaanada bulsho weynta Digil Mirifle oo u qalma in loo magacaabo Degmoyin kadib 18-kii sano la soo dhaafey oo tuulooyinkaas si heer sare ah ay u hormareen ayaa hadana weli loo magacaabin Degmo ahaan halka kuwo la tiita haatan lagu tilmaamo inay yihiin degmoyin. Arintaan ayaa ku soo beegantey xil ay siyaasiyiinta iyo aqooyahanada Bulsho weyta Digil Mirifle shir uga socdo magaalada Baydhabo si ay u dhistaan maamulgoboleed lagu magacaabo Koonfur Galbeed.
BDM-Media Office. Baydhabo |