Shabakadda Bulshaweynta Digil  Mirifle

Dhalinyero kasoo jeeda koonfur galbeed soomaaliya ayaa xalay markii ugu horeysay waxay dalka libya ku sameysaliyad ugaar ah qowmiyada ku abtirsata Digilmirifle.teen ja


BDM: 27-02-2010 Tripoli

Dhalinyero kasoo jeeda koonfur galbeed soomaaliya ayaa xalay markii ugu horeysay waxay dalka libya ku sameysteen jaaliyad ugaar ah qowmiyada ku abtirsata Digilmirifle.

Kulamo isdabajoog ah oo bishii ugu dambeysay ay yeelanayeen dhalinyeradaan ayaa waxay xalay ku guuleysteen in si dimogradiyad ah ay u sameystaan maamul jaaliyadeed oo uu hogaamiyo qowmiyada kaasoo aqoonsi buuxda looga raadin doono dowlada dalkaasi libya.

Gudoomiyaha jaaliyada waxaa loo doortay Maxamuud Sheeq Isxaaq,halka gudoomiye kuxigeenadana loo doortay Cabdaa Macalin Aadan (Madaxey) Iyo Cabdu Qaadir Maxamed Macalin, sidoo kale waxaa xoghaya guud loo doortay Cumar Sheekh Aadan Xaydar.

Doorashadii xalay jaaliyadaan ayaa oo ka dhacday xaafada jaansuur ee caasimada Tripoli Libya waxaa lagu doortay gudoomiye, labo gudoomiye kuxigeen, xoghaye guud iyo  5 xubnood oo ah gudi ka shaqeeyaisku xirka bulshada inteeda kale, dowlada iyo jaaliyadaha kale ee dalka ka jira.

 

Isla goobtii xalay waxaa lagu doortay gudi ka koobnaa ilaa shan xubnood sida uu baidoanews u xaqiijiyay Cumar Sh.Aadan Xaydar oo ah xiligaan Xoghayaha Guud ee Jaaliyada Libya ee DM, waxaana lo doortay gudigaas raga kala ah:-
      1-C/raxman Cabdala Mursal(siraaji)
      2-Cali xasan Isaaq (Cali jeeri)
      3-Saleyman Haaji Fiile
      4-Sheeq Cabdi Adan Deerow
      5-yusuf Maxamed Bare.

Sikastaba ha ahaatee waa markii ugu horeysay dhalinyero kasoo jeeda koonfurgalbeed soomaaliya oo sidaan isugu duuban ay dalka libya ku sameystaan jaaliyad taasoo xiligaan sameynteeda ay wax ka ogyihiin dowlada federaalka xildhibaano kujira, safaarada Soomaalida Libya iyo jaaliyadao kale oo dalka dibadiisa ka ghisa xiligaan
 
 

 

BDM-Media Office. Tripoli
wararka@bdigilmirifle.com

www.Bdigilmirifle.com