|
Shabakadda Bulshaweynta Digil Mirifle |
|
qoxooti u badan caruur iyo waayeel oo ku jira xirooyinka Baydhabo oo ka cabanaya dabeelo xoog BDM: Baydhabo 09/02/2010: Boqolaal qoys oo ku jira xeraha qaxootiga magaalada baydhabo ayaa waxay cabasho xoogan ka muujinayaan dabeelo xoogan oo jira magaalada kadib markii qaar amid ah aqaladooda dabeeli qadey.
Wararka naga soo gaaraya qaar kamid ah xerooyinka qaxootiga ee ku yaala gudaha magaalada Baydhabo ayaa waxay halkaasi ka muuqda duruufo adag ay qabaan qoxootiga halkaasi ku nool iyo qaxooti cusub oo ka soo hayaamey dhinaca magaalooyinka Muqdisho, gobolada Puntland, gobolka Hiiraan iyo meelo badan oo ka tirsan dalka gudihiisa. Cabashada ay muujinayaan dadkaan ayaa ah kuwo kala duwan oo isugu jira dhinaca nolosha, hoyga, waxbarashda iyo caafimaadka, waxayna intooda badan ka dhawaajiyeen in dabeelo xoogan oo magaalada ka jira.
Dadka xirooyinkaasi ku nool ayaa isugu jira dad da' ah, caruur iyo dad aan caafimaadkooda wanaagsaneyn oo hadana ugu darsoontey dufuufo iyo dhaqaale iyo dabeeshaan maalmahaan dambe ku soo saa'idey. Maama iishow oo BDM warbixin qaas ah siisaya ayaa sheegtay in aqalada ay ku jiraan ay yihiin kuwo aan xooganeyn oo dhulka si aad ah luugu mudin dabeelaha marka ay yimaadaan maalin kasta ilaa dhowr aqal gebi ahaanba qaadaan oo ay bur buran. Hadaba dadka ku dhaqan xirooyinkaasa ayaa waxay codsanayaa in teendhooyin lala soo gaaro alaabta wax lagu karsado sida digsi, koobab, saxamaan iyo caagaga biyaha lagu dhaansado. Qaxootigaan ku dibaateysan ayaa u baahan walaalahooda ku sugan daafaha caalamka inay la soo gaaraan kaalmooyin kabadan inta ay codsanayaan taasoo ah waajib rabaani in loo gargaaro dadka dhibaateysan. Si kastaba ha ahaatee jaaliyadaha Digilmirifle ee ku kala nool caalamka daafihiisa ayaa lagaga dhursugayaa waxa ay u qaban doonaan walaalahooda oo u badan caruur iyo waayeel.
BDM-Media Office. Baydhabo |