Shabakadda Bulshaweynta Digil  Mirifle

Gudoomiyaha Jaaliyada Digilmirifle Uk Oo Ka Hadlay Shirkii Dhowaan Dalkaasi Ka Dhacay.


BDM: Baydhabo 20/02/2010:

Waxaa maanta markii ugu horeysay ka warbixiyay gudoomiyaha jaaliyada Digilmirfle ee dalka UK Mudane CabdiLadhiif Abuukar Qaasim kaasoo sheegay in wax ay ka qaldanaayeen warbixintii shirkii dhowaan lagu qabtay magaalada London 14kii Bishaan..

 

Gudoomiyaha wuxuu sheegay in shirkaasi lagu bedelay markii ugu horeysay gudigii farsamo ee maamul usameynta konfur galbeed lana magacaabay Gudi dhexe oo ka kooban 15 xubnood kaasoo ahaan doono gudi joogto ah.

Sidoo akle waxaa halkaasi lagu doortay gudi odoyaal ah oo ka kooban ilaa 15 xubnood kuwaasoo matala gudiga guurtada qowmiyada, waxaana gudiga dhexe gudoomiye kumeel gaar ah loogu dhigay Cabdi Ladhiif Abuukar Qaasim Oo ah gudoomiyaha qowmiyada ee kunool dalkaasi ingriiska.

Xoghaye guud oo kumeel gaar ahna waxaa loo magacaabay Cabdi Risaaq Sheekh Muxiidiin halka xirirka loo magacaabay asna oo KMG ah Sayid cali oo kunool Magaalada Bilgirham.

Gudiga uu asaga Madaxda u yahay Mr. Abdiladif ayaa wax uu sheegay in la soo dhameystiri doono inta kale ee xubnaha gudigaasi  6da bisha Maarso oo kulan la isugu imaan doono markale, waxayna qabanayaan gudigaasi isku xirka masqaxda iyo maalka qurba jooga qowmiyada, sara uqaadista siyaasada  maamul goboleedka iyo Beesha caalamka Sida Europe, Asia, America Iyo Africa-da kale.

Ugu dambeyntii gudoomiyaha Digil mirifle dalka ingiriiska wuxuu sheegay in maamulka dhisitaankiisa ay ka horeyso in awal la dhameystiro xubnaha gudigaan kadib ay ka yeelan doonaan kulamo kale iyo talaabo marka ay dhameystiraan magacyada gudigaan iyo weliba waajibaadka xubinkasta oo gudigaas kamid ah.

 

 

BDM-Media Office. UK
wararka@bdigilmirifle.com

www.Bdigilmirifle.com