|
Shabakadda Bulshaweynta Digil Mirifle |
|
Abaaro, Shuban- biyood, Malaariya iyo sicir barar oo u wada kulmey gobolada shabeelaha hoose 06/07/08 Baydhabo-BDM Media: Suldaan Xasan suldaan Cumar suldaan Fiqi oo kamid ah salaadiinta ugu da'yer salaadiinta Digilmirifle ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay shirwaynaha ka soconaya magaalada Baydhabo ee looga hadlayo danaha qomiyada Digilmirifle. Suldaan Xasan ayaa kadeeriyey xaalda ay ku noolyihiin bulshawaynta Digilmirifle oo ku dhaqan gobolka Shabeelaha Hoose. Isagoo sheegay in ay haystaan cuduro shubun biyood, malaari iyo macluul ka dhalatay abaartii dhowaantan ku dhufatay gobolka Shabeelaha Hoose. "Bulashada ku dhaqan gobolka Shabeelaha Hoose waxaa haysata nolol xumo waana dad masaakiin ah hay'adaha waa inay wax ka qabtaan dadkaasi hadii kale waa inay ka guuraan gobolka, waa aragnay waa kuwo hay'adaha u calaamaysan inaysan waxba u qaban qowmiyada Digilmirifle? cidna uma maqana ceelna uma qodna waxay wax ka sugayaan ilaahaygii abuuray" sidaasi waxaa ka dhawaajiyey suldaanka oo ka muqatey murugo. dadyowga ku dhaqan gobolada shabeelooyinka oo ah beeraley ayaa waxaa ku habsadey abaaro kadib markii ay waayeen dalagii ay sugayeen iyo xaaladaha la xiriira sicir bararka la xiriiri iyagoo aanan haysan ilo kale oo dhaqaalo ka soo gale iyo shaqo la'aanta ka jirta dalka guud ahaan dalka Soomaaliya Si kastaba ha ahaatee hadalkan suldaanka ayaa ku soo beegmay xilli dhowaantan wax garadka Digilmirifle ee ku sugan magaalada Baydhabo ay sheegeen in gobolka Shabeelaha hoose uu ka jiro maamul xaaraan ah.
BDM-Media Office. Baydhabo |