|
Shabakadda Bulshaweynta Digil Mirifle |
|
Musharixiinta u taagan guddoomiyaha golaha dhaqanka Digilmirifle oo sii kordharaya. 06/07/08 Baydhabo-BDM Media:Malaaq Axmed Maxamed waxa uu ka midyahay musharixiinta u taagan guddoomiyaha golaha dhaqanka qowmiyada Digilmirifle waxaana uu sheegay in uu wax badan kabedeli doono baahida ay qabaan qowmiyada Digilmirifle oo muddo ka soo daalay dagaalo sokeeye.
Sidoo kale malaaqa ayaa xusey in dhibaatoyin ay kala kulmayeen beelaha qaar oo doonayey inay lumiyaan jiritaanka qowmiyada Digilmirifle isagoo sheegay in uu wax badan kasoo shaqeeyey dalka Soomaaliya iyo dowladii hore ee dalka ka ariminaysay.
" Waxaan ahay qof gudan kara waajibaadkiisa waxaana ka dalbanayaa Bulsho waynta Digilmirifle hadii aan helo xilkaan in ay i garab galaan" sidaasi waxaa yiri malaaq Maxamed Axamed Maxamed oo u hadlayey BDM- Media.
Malaaqa waxaa u si gaar ah ula hadlay jaaliyadaha u dhashay Digilmirifle dalka dibadiisa inay taageeraan wax welba oo lagu hormarinkaro qowmiyada Digilmirifle.
Hadalkan ayaa waxa uu ku soo beegmay xilli maalinimadii shelay ergooyinka Digilmirifle ay ka doodeen qaabka ay u dhacayso doorashada guddoomiyaha golaha dhaqanka beelaha Digilmirifle.
BDM-Media Office. Baydhabo |