Shabakadda Bulshaweynta Digil  Mirifle

Ergooyinka shirwaynaha dib u heshiisiinta Bulsho weynta Digilmirifle ayaa maanta kulan koodii caadiga ahaa ku yeeshay xarunta Caalin center ee magaalada Baydhabo.


05/07/08 Baydhabo-BDM Media:  Shir guddoonka shirwaynaha dib u heshiisiinta Digilmirifle ayaa soo bandhigay qaabka ay u dhacayso doorashada guddoomiyaha odayaasha dhaqanka Digilmirifle.

Odayaasha dhaqanka ayaa ahaa kuwo dhegeysanayey qoraalka ku saabsan doorashooyinka ee halkaas laga akhrinayey.

Beryahaan dambe waxaa iska soo daba dhacaya CV-yada iyo codsiyada ay keenayaan xafiiska golaha siyaasiyiinta iyo aqoonyahanada. Ee magaalada Baydhabo.

Guddoomiyaha golah siyaasiyiinta iyo aqoonyahada Prof. Ibraahim Muuse Xayrow ayaa sheegay in doorashada ay tahay mid cod bixin oo sanduuq ladhigi doono asagoo ugu baaqay musharixiinta in ninkii laga raayo uu lashaqeeyo walaalkiis.

Wuxuu intaas ku darary in qof walba oo musharax ah uu maskaxdiisa galiyo inay horyaalaan howlo badan oo ay ka sugayso bulshawaynta Soomaalyeed gaar ahaan shacabaka Digilmirifle oo dhibaatooyin haystay muddo 17 sano .

Qaabka shirkaan u socdo ayaa ah qaab dimoqoraadiyad iyo kalsooni ku salaysan  kaa soo laga filayo inay ka soo baxaan dowlad wanaagsan iyo madax caadiliin ah oo shacabka Bulsho waynta Digilmirifle u horseeda wanaag iyo barwaaqo.

 

BDM-Media Office. Baydhabo
wararka@bdigilmirifle.com

www.Bdigilmirifle.com