|
Shabakadda Bulshaweynta Digil Mirifle |
|
Jaaliyad Digilmirifle ah oo
laga dhisey dalka Yaman iyo baaq ay u soo jeediyeen Jaaliyadaha
kale ee Digilmirifle.
BDM: 15-03-2010 Sana Maxamed ibraahim isxaaq oo xiriir la soo sameeyey ayaa faafaahin dheer ka bixiyey jaaliyad laga dhisey dalka yaman Maxamed ibraahim isaaq ayaa ku dheeraadey dhisida jaaliyada inay ka dambeysey baahi aad u ween oo loo qabey in la helo jaaliyad ku hadasha magaca bulsha weyta Digilmirifle iskuna xirta jaaliyada Digilmirifle dalka Yaman iyo jaaliyadaha digilmirifle ee ku nool daafaha caalamka. “gudoomiye waxaa loo doortey Ibraahim Ufurow gudoomiye kuxigeen 1aad waxaa loo doortey C/laahi halka gudoomiye ku xigeenka 2aad na loo doortey Xasan Garow iyo anigoo ah U Xoghayaha maaliyada “ sidaasi waxaa yiri Maxamed Ibraahim Isxaaq oo sharaxaad ka bixinayey qaabka ay u dhisantahay Jaaliyada Digilmirifle ee dalka Yaman Sidoo kale Xoghayaha maaliyada ee jaaliyada waxaa uu shabakada Bulshoweynta Digilmirifle u sheegey in tiro aad u badan ee Digilmirifle ah ay ku noolyihiin la na oran karo waa jaaliyada ugu badan kuwaasoo aad u dhibaateysan dhinaca dhaqaalaha iyo wax barasho la’aan la soo gudboonaatey dhalinyarada loogana baahan yahay jaaliyadaha dibada inay gacan ku geystaan sidii qorshe wax barasho loogu sameyn lahaa. Maxamed wuxuu jaaliyadaha Digilmirifle ee ku nool Qaaradaha America, uerub iyo Australia inay la soo xiriiraan walaalahooda dalka yaman kuna caawiyaan dhinaca dhaqaalaha iyo moralka Sida la ogsoonyahay dalka yaman ayaa ah dal ay ka jiraan duroofo dhaqaaley iyo shaqo la’aan halkaaso oo ay ku noolyihiin kumaan kun oo Soomaali ah haba u badnaadaane bulshada ka soo jeeda Konfur galbeed Somaliya kuwaasoo aanan heleynin daryeel bani’aadan nimo dhimeystiran waxaana lama huraan ah in walaalaha inaahey wax siiyey in il naxrees leh ku eegaan walaalahooda
Maxamed Ibraahim Isaaq 00967735586355 BDM-Media Office. Sana Yaman |