Shabakadda Bulshaweynta Digil  Mirifle

 

Jaaliyada Digilmirifle dalka Libiya oo

 

 dooratey afhayeen


 

 

BDM: 04-03-2010 Tripoli

 

Jaaliyada Digilmirifle dalka liibiya ayaa ku howlan sidii ay u sameysan lahaayeen jaaliyad mideysan oo leh gudiyo kala duwan si ay u helaan hogaan waxtar leh oo ka shaqeeya arimaha isku xirka bulshada iyo wax wada qabsiga.

 

Horaantii todobaadkii la soo dhaafey shir ay isugu dhimaateen dhalinyaro ku abtirsada qowmiyada Digilmirifle waxay doorteen gudoomiye iyo labo gudoomiye ku xigeen iyo xoghaye iyo shan qof kale oo la shaqeeyga xubnaha la doortey sidoo kale maalintii shaley ahayd ayaa waxaa afhayeenka jaaliyada loo doortey C/Raxmaan C/Laahi Mursal (SURAAJEY).

 

Xiriir aan la sameyney afhayeenka Jaaliyada Digilmirifle ee dalka Libya C/raxmaan Surajey ayaa wuxuu noo sheegey boqolaal qof oo Digilmirifle ah inay ku noolyihiin dalka Libiya ayna doonayaa inay ka warqabaan duruufkasta oo ay ku noolyihiin iyo sidii dhidibada loogu aasi lahaa jaaliyad wax qabad leh.

 

C/raxmaan ayaa sidoo kale wuxuu noo sheegey isla maalmaha soo socda in lamagacaabi doono afar xubnood kale oo ku soo biiri doona golaha fulinta ee jaaliyada taasina ay horseedi doonto arimo badan oo baahideedu noo mooqato.

 

Si kastaba ha ahaatee jaaliyadda Digilmirifle ee dalka libiya oo u badan rag dhalinyaro ah ayaa laga sugayaa wax qabad tayo leh iyo sidii ay ugu adeegi lahaayeen dadkooda ku nool dalka libiya hadii ay dhibatoyin la soo dersaan.

 

BDM-Media Office. Tripoli
wararka@bdigilmirifle.com

www.Bdigilmirifle.com