Ref: GSA/DM/025/08 Date: 15/03/2008
Ku: Gudoomiyaha Jaaliyadda Digilmirifle: Boqortooyada Sacuudiga
Ku: Dhamaan Jaaliyadaha Digilmirifle: Dalalka Dibadda
Ujeedo: Baaq
Dhamaan Jaaliyadaha ku nool Dalalka Dibada wuxuu Golaha uga baaqayaa in ay ku soo biiraan Golaha Aqoonyahanada Digilmirifle, si loo balaariyo wax qabadka Golaha, isla markaana loo mideeyo Afkaarta Siyaasadeeda Digilmirifle, loona helo itijaah siyaasadeed oo ka sareeya Qoomiyadaha kale ee Soomaaliyeed, kaas oo ka samata bixiya jahwareerka marxalada qalifsan ee maanta ay ku sugantahay Soomaaliya, sidoo kale xal u helidda masiibooyinka cusub ee daba dheeraadey.
Hadaba dhamaan Jaaliyadaha Digilmirifle ee ku nool dalalka dibadda waxaan ka codsanaynaa in ay ku soo biiraan Golaha oo la magac baxey Golaha Aqoonyahanada & Siyaasiyiinta Digilmirifle, xubin-nimada Golaha wax shuruud ah oo ku xiran majirto, kaliya waxaa laga doonayaa xubinta ka mid noqonaysa Golaha in ay u dhalatey Digilmirifle, aaminsantahay midnimada Qoomiyada.
Xubinta waxay iska bixineysaa $ 1 (Hal Dollar) oo diiwaan galinta ah iyo bil kasta oo
$ 1 (Hal Dollar) Masiilyo iyo dhigaal ah kaas oo lagu socot siinayo howl maalimeedka xafiiska iyo dhaq dhaqaaqa golaha.
Kasoo Qeybgal Wacan
Prof. Ibraahim Muuse Heerow: Gudoomiye