|
Shabakadda Bulshaweynta Digil Mirifle |
|
Ismaamul Goboledyo loo dhisi doono Gobolada Baay, Bakool, Gedo, Jubbadda Hoose, Jubbadda Dhexe iyo Shabeellaha Hoose Baydhabo, 11-May-2008@[BDM Media] Waxaa soo baxaya warar sheegaya in Magaalada Baydhabo uu ka socodo qorshayaal lagu doonayo in lagu dhiso Ismaamul goboleedyo ay yeeshaan ilaa iyo 6 Gobol oo ku yaala Koonfurta Soomaaliya.Qorshahan Siyaasadeed oo ay damacsan yihiin inay fuliyaan dadka hadda hormuudka u ah Goboladaas oo ay ku jiraan Jubbooyinka, Baay, Bakool, Gedo iyo Shabeellaha Hoose ayaa si weyn looga dareemay Magaalada Baydhabo. Maalintii shalay ayaa Magaalada Baydhabo waxaa ka furmay sida la soo sheegayo kulan guud oo ay yeelanayaan ku dhawaad 100 ruux oo isugu jira odayaal dhaqmeedyo, Siyaasiyiin iyo aqoonyahano ka soo jeeda Beelaha Digil iyo Mirifle. Ujeedada kulankan ayaa waxaa waaye in ay isku cafiyaan Beelaha Digil iyo Mirifle, sida uu sheegay mid ka mid ah ka qeybgalayaasha kadibna loo sameyn lahaa Guddiyo ka soo shaqeeya dhismaha Maamuladaas. Guddoomiyaha Baarlamaanka Sheekh Aadan Madoobe ayaa waxaa uu sheegay in loo baahan yahay in dib loo soo noolaayo Dowlad goboleedkii Koonfur Galbeed oo mar Madaxweyne ka noqon jiray Shaatigaduud. Laakiin
qorshahaas mid ka duwan oo isna Maamul lagu dhisayo waxaa wata Xildhibaano uu
ka mid yahay Col Barre Hiraale
Maxamed nuur ibraahim (Aasto) |