Shabakadda Bulshaweynta Digil  Mirifle

 

07/05/2008 Shabakada Bulsho Weynta Digil Mirifle:  

Jaaliyada Bulsho Weynt Digil Mirifle ayaa si buuxda u soo dhaweeyey baaq wargelin ah oo kaga timi walaalahooda golaha Siyaasiyiinta iyo Aqoonyahanda Digil Mirifle GSADM oo ku howlan qabsoomida  shirweyne dib u heshiisiin oo ay u qabanayaa odey dhaqameedyada bulsho weynta Digil Mirifle.

shir ay isugu yimaadeen xubnaha joogtada ah ee jaaliyada Digil Mirifle K.S.A.  waxay si buuxda u taagyeereen qabashada shirkaasi oo u muuqda mid waxweyn katari doona midnimada iyo isku duubnaashaha bulshada DM.

jaaliyada DM ku dhaqan dalka Boqortooyada Sacudi Carabia waxa ay balan qaadeen inay walaalahooda ay Garab istaagayaan oo ayna diyaar u yihiin inay kaga qeyb qaataan dowrka dhiib.

dhiib oo loola jeedo in ay ku bixin doonaan taagyeerida shirkaasi wax alaale wixii qarash ah oo ay awoodaan si uu u qabsoomo shirkaasi,

ugu dambeyntiina waxay ugu duceeyeen walaalahooda in Ilaahey uu guul ka siiyo kana miro dheliyo Qorshaha ay wataan ayagoo ugu duceeyey midnimo iyo wax wada qabsi

sida ay u qorneed warqada jaaliyaada DM K.S.A

 

 

Maxamed nuur ibraahim (Aasto)
nuuraasto@bdigilmirifle.com

www.Bdigilmirifle.com