shirkaan horey taariiqda looguma
arag waxaana la dhiha karaaa waa Iftiinkii la sugaayey 50kii sano
lasoo dhaafey oo hada soo muuqda Waa shir taariiqi ah sawabtoo ah
weli ma soomarin fursad tanlamid ah kadib dagaaladii sokeeye uu
dalka soo marey iyo waqtigii ka horeeyeyba shir noocaan oo ay
yeeshaan Bulsho weynta Digilmirifle.
Shirkaan waa mid aad looga soo
shaqeeyey inuu khabsoomo hadafka iyo ula jeedada laga leeyahay waa
cadahay oo waa wax la ogyahay. Shirkaan waa shir siyaasadeed iyo
nabad gelyo waana shir loo wada dhan yahay heshiisna lagu yahay waa
shir hogaankiisa gacanata lagu hayo waxaana kalifay shirkan in la
qabto dhibaatada dabada dheeraatey salkana ku hayso dulan gardaro
jogto ah. Shirkan waxaa sura geliyey inuu qabsoomo dadaad dheerna u
galey Golaha Aqoonyahanada iyo Siyaasiyiinta Digilmirifle oo mudo
badan ku howlanaa arimaha DM hadii ahaan lahayd dib u heshiisiin,
nabad geliyo is fahan in ay ka dhex abuuraan umadda digil mirifle
iyo inta la degta.
Shirkan kuma koobna keliya odey
dhaqmeedyada ee waa saldhiga loga duli lahaa. ee shirar kale ayaa ku
xigi doona ugu dambeynta shirka kama dambeysta ah oo lagu dhisidoono
dowlad goboleedka konfur galbeed somaliya taasoo hadii la helo wax
badan ka tari doonta nabad ku soo dabaalis loo helo soomaali guud,
gaar ahaan gobolada isku ah konfur galbeed Somaliya.
Arintu
sikastaba ha ahaatee shirka furmey 10/5/2008 uga furmey odey
dhaqameedyada 6 gobol waxa laga sugaayo ayaa kow ka ah inay iska soo
magacaabaan gudoomiye iyo 2 ku xigeeno X/guud, xiriirka dibada iyo
xiriirka gudaha ku waas iyo inta kale waxay isku noqondoonaan
golihii gurtida ama golihii hogaanka sare ayna gudoomin doonaan
bulshada ilaa inta laga helayo dowladii koonfur galbeed iyo
madaxweynaheeda kuwaas oo noqon doona kuwa hogaamiya 6 gobol
siyaasad, dhaqaale iyo nabadgelyo intaba.
Helitaanka maamulada kor ku soo
sheegney waxaa lagu gaari karaa sabar isku tanaasul badan isku
duubni iyo iyadoo wax walba laga hormariyo danta guud " mis hurtoy
inis halaaytow" waxaa in la xuso mudan Golaha Siyaasiyiinta iyo
Aqoonyahanada DM dadaalka badan ay ka dhexgeysteen umada dexdooda
waa mid aad u muuqda oo maantaba loo kulan sanyahay. sidaasi darted
qof waliba oo DM ah waxaa saran waajib in uu gutano mas'uuliyada ka
saran dadkiisa iyo dalkiisa muqadasna ay tahay. inuu garab istaago
walaalihiisa howsha gacanta ku haya.
Qofkastoo wanaag u sameeya
dadkiisa ama dalkiisa waxaa xusi doonta taariiqda.
Wabilaahi towfiiq
Waxaa diyaariyey