Shabakadda Bulshaweynta Digil  Mirifle

Shir ay isugu yimaadeen gudiyada kala duwan ee jaaliyadda Digil Mirifle dalka Sacuudi Carabiya ayaa lagu Dhaariyey Gudoomiyaha jaaliyada DM ee K.S.A

Xaflada dhaarinta ayaa waxay ka dhacdey xuruunta jaaliyada Digil Mirifle .K.S.A magaalada Jeddah dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya.

Eng. Cumar Mursal Yaxye. ayaa si rasmi ah loogu daariyey xilka gudoomiye nimada ee jaaliyadda DM oo in ka badan 8 bilood ahaa  gudoomiye ku xigeen ahna siihayaha gudoomiyaha jaaliyada DM K.S.A kadib markii gudoomihii hore ee jaaliyada  Awmaye uu safar shaqo u aadey dalka Soomaaliya horaantii 2007.

Xafladaan oo ay ka soo qeybgaleen dhamaan qeybaha kala duwan ee jaaliyada kuwaas oo isugu jira Culmaa'udiin, Aqooyahano Dhalanyaro  iyo dhamaan qeybaha kala duwan ee bulsho weynta Digil Mirifle kunool dalkaab boqortooyada Sacudi Carabiya.

Gudoomiyaha Jaaliyada DM Eng. Cumar Mursal Yaxye ayaa isla markiiba u magacaabey xilka Gudoomiye kuxigeenka 1aad Mudane Cali yarow halka gudoomiye kuxigeenka 2aad na u magacaabey Mudane Aweys Gurey. sidoo kale gudoomiyaha wuxuu balan qaadey inuu soo dhimeystiri doono xilalka kale isla isbuucaan gudihiisa.

Jaaliyada Digil Mirifle K.S.A oo ah walaalo isku xiran oo hamigooda iyo howshoodiba siiyey hormarinta dadkooda iyo sidii ay ugu horseedi lahaayeen isjaceyl iyo wax wada qabsi. mana aha markii ugu horesey oo ay qabtaan shirar iyo xaflado noocaan oo kale.

 

 

Maxamed nuur ibraahim (Aasto)
nuuraasto@bdigilmirifle.com

www.Bdigilmirifle.com