|
11 qodob oo maanta si wada
jir ah loogu ansaxiyey madasha shirka dib u heshiisiinta odyaasha dhaqanka
beelaha Digilmirifle
Shirwaynaha dib u heshiisiinta odyaasha
dhaqanka beelaha Digilmirifle ayaa waxa kasoo baxay baaq ku kooban dhowr iyo
toban qodob. odayaasha dhaqanka beelaha Digilmirifle ayaa saxiixay qodobada:-
1. In lagaaro dib u heshiisiin beelaha Digilmirifle dhexdooda ah. iskana
cafiyaan wixii dhibaato dhexmaray mudadii toban iyo sideedkii sano ee lasoo
dhaafay.
2. In laga digtoonaado wax alle wixii keeni kara khilaaf iyo iska hor imaad
beelaha dhexdooda ah.
3. In laga fogaado islamarkaasna si ba'an loogu hortago aargoosiga oo ay
soomaalidu caadiyaysteen muddooyinkaan dambe.
4. In la xoojiyo is dhexgalka bulshadan Digilmirifle iyo tankale laguna
dedaalo nabada iyo wada noolaashaha deriswanaaga.
5. In ladilo qofkii qof dila xukunka dhaqanka qowmiyada uu noqdo mid
shareecada islaamaka.
6. In la dhowro lana ilaaaliyo xasiloonida nabada midnimada shacabka iyo
deegaanada qowmiyada Digilmirifke.
7. In la dardargeliyo ku soo celinta gacanta qowmiyada degaanada wali ku
jira gacanta cadawga iyadoo loo marayo wado kastoo macquul ah waana xil iyo
mas'uul culus oo saaran shakhsi kasta iyo beelkasta shacabka qowyada,
waxaana laga maarmin in si wada jir ah loogu guntado.
8. In laga digtoonaado la iskana ilaaliyo wixii gacan kahadal ah oo khilaaf
keeni kara lagu dhameeyo wada hada.
9. In ku dhawaaqida astaata magaceena uu ahaado DIGILMIRIFLE si dii wali
geedba ahayd balse baryahaan dambe sida dadka qaar ay caadiyeysteen " Digil
iyo Mirifle".
10. shakhsigii, beeshii u hogaansimiwaydo meelmarintan qodobadan lagu
heshiiyey waxaa laga qaadi doonaa talaabo wada jirah oo ay u dhanyihiin
dhamaan qowmiyada.
11. Dhamaan xildhibaanada labada gole ee qowmiyada Digilmirifle, hay'adhya
dowliga ah iyo kuwa aan dowliga ahayn waa inay gacan buuxda nagu siyaan
fulinta go'aanadan.
Heshiiskan waxaa magac beelwaliba ku saxiixay malaaq iyo suldaan ama wakiil
qomiyada Digilmirifle.
BDM-Media Office. Baydhabo
wararka@bdigilmirifle.com
|