Shabakadda Bulshaweynta Digil  Mirifle

 

22/05/2008 Jeddah: Xaflad martiqaad ah oo lagu soo dhaweynayo  waziirka arimaha diinta iyo awqaafta ahna reysul wazaare ku xigeenka DFG Soomaaliya Saalim Caliyow Ibirow  iyo wafdi uu hogaaminayey oo ay ka mid ahaayeen agaasimaha guud arimaha garsoorka iyo diinta Maxamed Keerow Aadan ayaa lagu qabtey hotel Safari magaalada Jeddah K.S.A.

 Xafladaan oo si heersare ah loo soo agaasimey ayaa waxaa ka soo shaqeeyey qaban qaabadeedna lahaa jaaliyada Digil Mirifle ku dhaqan dalka boqortooyada Sacudi Carabia

 

 

 

Sheikh Maxamed Awow ayaa  aayado qur'aan ah ku furey kadibna waxaa uu guda galey inuu u fasiro aayadihii uu aqriyey kuwaas oo dhamantooda ka tarjumayey in adoomanka ilaahey ay isu naxriistaan oo ay is kaalmeeyaan isku duubnaashana ay sameeyaan 

 Xafladaan oo ay u dhamaayeen dhamaan qeybaha kala duwan ee jaaliyadda bulsho weynta Digil Mirifle. Sida, Aqoonyahanada, Culamaa'udiinka, Hooyooyinka, Dhalanyarada iyo Fanaaniinta ayaa kooxwaliba waxaa la siiyey dowrkooydi ayagoo si isdaba joog ah makaroofanka loogu soo dhaweeyey.

 Jalaal oo ah afhayeenka jaaliyadda ayaa faafaahin gaaban ka bixiyey taariiqdii jaaliyadda wuxuuna ka waramey xiligii ay soo jirtey jaaliyadda waxa ay qabteen sidoo kale waxaa uu xusey in jaaliyadda ay waddo dadaalo fara badan ayna ka mid yihiin mideynta bulshada ku dhaqan dalkaan iyo isku xirnaashahooda.

  Cali yarrow oo ku hadlayey magaca dhalanyarada ayaa si aad ah ugu faaney wax qabadka jaaliyada asagoo ku tilmaamey inay u hureen waqti badan

Xaflad oo ku socotey jawi xamaasad leh ayaa sidoo kale waxaa makrafoonka lagu soo dhaweeyey xogayaha culumaa'udiinka Sheikh yuusuf wuxuuna mahad celin u soo jeediyey jaaliyada dadaalka iyo isku xirka ay sameeyeen. Wuxuuna ka dhawaajiyey in midnimada ay muhiim tahay  sidoo kale wuxuu baaq u jeediyey waziirada Digil Mirifle kaga jira dowlada in dadkooda iyo dalkooda ay wax u qabtaan

Waxaa meeshaasi ka maqneyn kooxda fanaaniinta Mustafa Sheikh aadan oo marba marka ka damebeysa luxayey dhiga kasoo qeybgalayaasha asagoo halkaas ka qaaday heeso ay ka mid yihiin Digil I Miriflow doowaa kooyey iyo nabadaa naas la nuuga lee sidoo kale waxaa meesha heeso wadani ah ku qaadey fanaanka Kamaal Baaxaaji

Ururka haweenka oo ay ka muuqatey shucuur farxadleh iyo DM jaceyl. Hooyooyinka halkaasi ka hadleen ayaa waxay ka mid ahaayeen. Faadumo Ibraahim iyo Salaadey Maxamed Amad. oo dhamaantooda ku sinaayeen soo dhaweyn iyo dhiiro gelinta .. ayaa sheegtey inay waqti badan soo siisey dadaalka iyo midnimada DM waxayna xustey xiliyadii SDM iyo RRA haweenka Digil Mirifle kaalinta ay ka geysteen taagyeeridoodi

Intaa ka dib gadoomiyaha Jaaliyadda Digil Mirifle Cumar Mursal Yaxye ayaa hadalkii loo dhiibey wuxuna ugu horeyntiiba salaan iyo soo dhaweyn u jeediyey marti sharafta kadibna waxaa uu guda galay qudbadiisa ku aadneyd danaha DM kuwa dalka iyo dibadaba wuxuuna xusey inay sameeyeen howlo badan oo ay ka mid yihiin dib u heshiisiin Digil Miriflaha ku dhaqan dalkaan waxa kaloo uu sheegey inay sameysteen website u qaas ah Digil Mirifle kaasoo marwaliba ka turjuma baahida dadka DM iyo isku xirkooda waxaa kaloo uu sheegey inay la jaanqaadayaan waxa ka socda Soomaaliya

Gudoomiyaha waxa kaloo uu sheegey inay jiraan dad doonaya inay kala qeybiyaan DM ku waas oo ugu baaqey inaysan ku daalin arintaa sidoo kale waxaa u xusey waqtigaan la joogo in lagaarey is fahan Digil Miriflena ay dantoodi garteen

Sidoo kale wuxuu faafaahin ka bixiyey dadaalka loogu jiro sameynta maamulka koonfur galbeed oo howshiisa ka socoto magaalada Baydhabo ee gobolka Bay iyo kaalinta ay ku leedahay jaaliyada DM ee dalka K.S.A 

"Sidaad la socotaan waxaa magaalada Baydhabo lagu diley ala ha u naxriistee aqoonyahan ka tirsanaa golaha Aqooyahanada iyo Siyaasiyiinta DM oo uu ka mid ahaa ragii waday howsha laakiin inshaa alaah ma istaageyso howshaan wayna socon doontaa" sidaasi wacaa yiri Cumar Mursal Yaxye  gadoomiyaha jaaliyada DM ee dalka K.S.A

Kadibna waxaa soo istaagey oo hadlakii loo dhiibey waziirka arimaha diinta iyo awqaafta ahna reysul wazaare ku xigeenka DFG Soomaaliya mudane Prof. Saalim Calyow Ibrow. Wuxuuna amaan dheer uu u soo jeediyey jaaliyadda Digil Mirifle ku dhaqan dalka K.S.A sidoo kale wuxuu amaan u soo jeediyey haweenka DM iyo dhamaan qeybaha kala duwan ee bulshada. Wasiirka ayaa ugu baaqey dhamaan jaaliyadaha inay sameystaan hogaan mideysan iyo isku xirnaasho

Mar uu ka hadlaayey arimaha gudaha waxa uu sheegey inay jiraan dadaalo dib u heshisiin ah ku waasoo ka socda dalka Djibouti. dowlada DFG Soomaaliyana ay sii wadi doonto arimaha dib u heshisiinta

Wareysi aan la yeelaney waziirka wxaaan idinku soo gudbin doonaa qeybaha kale.

 

sawiro kale ka daawo halkaan

 

Maxamed nuur ibraahim (Aasto)
nuuraasto@bdigilmirifle.com

www.Bdigilmirifle.com