Shabakadda Bulshaweynta Digil  Mirifle

Munaasabada lagu xusayey sanad guuradii sagaalaad ee ka soo wareegatay aasaaska Ururka RRA

 

Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay waxaa maanta ka dhacay, munaasabad balaaran oo lagu xusayey sanad guuradii sagaalaad ee ka soo wareegatay aasaaska ururka RRA Huteelaka Caalin Center ayey ka dhacaday xafladan. waxaana ka soo qaybgalay xildhibaanada baarlamaanka Digil iyo Mirifle Mas'uuliyiinta maamulka Degamada Baydhabo, Golaha siyaasiyiinta iyo aqoonyahanda Digil Mirifle, Culmaau'diinka Ahlu Suna wal jameeca oo xafladan soo qaban qaabiyey.

 

Ugu horayntii waxaa halkaas ka hadlay gudoomiyaha golaha siyaasiyiinta iyo aqoonyahada Digil  Mirifle Pro. Ibraahim Muuse Xeerow oo tilmaamay in ay xusid mudantahay taariikhda RRA iyo dadkii u soo halgamay ururka RRA oo magaalada Baydhabo ka xureeyey Ciidamada uu hogaaminayey  Xuseen Maxamed Faarax (Caydiid) oo magaalda Baydhabo ku soo duulay.

 

Sidoo kale waxaa halkaas ka  hadlay xildhibaan Maxamed Xuseen Isaaq ( Afaraale ) oo ka mid ah halgamayaasha ururka wax iska caabinta RRA. Waxaana uu sheegay in waxyaabaha marka hore ay u soo halgantay bulshada Digil  Mirifle ilaa iminka ay muuqdaan asagoo tusaale u soo qaatay xasuuqii 1995 ka dhacay magaalada Baydhabo oo ay ka dambeeyeen dadka doonayey in ay gumaadaan qoomiyada Digil Mirifle. asagoo ka codsaday hey'adaha u dooda xuquuqda insaan in ay diiwaan geliyaan xasuuqa bulsha weynta Digil  Mirifle loo gaysto. waxaana uu hadalkiisa ku soo gabagabeeyey in bulsha weynta Digil  Mirifle ay raadsadaan Gobolada kamaqan isla markaana ay ka dhiidhiyaan, dadka doonaya inay gumaadaan qoomiyada Digil  Mirifle.

 

Inta xafldaasi ay socotay waxaa halkaas lagu soo bandhigay suugaano ka tarjumaya halgankii ay soomartay Bulsha waynta Digil  mirifle. sidoo kale intii ay socotay xaflada waxaa kor loo qaaday Ibaahin Muuse Xeyror oo ahaa ninka bixiyey ereyga RRA. Maanta waa maalin farxadeed iyado gooba ganacsiguna ay ahaayeen kuwo xiran oo loogu dabaal degayey guusha RRA ay gaartay iyo Muwaadiniinta ku guulaysatay xuraynta dalkooda.

 

Cali Iyaas Shabakada BDM –Baydhabo

ilyaas12@live.com

www.Bdigilmirifle.com