|
Shabakadda Bulshaweynta Digil Mirifle |
|
shirka dhib u heshiisiinta iyo dhisida maamulgoboleedka Koonfur Galbeed oo galey maalintiisii 15 aad Magaalada Baydhabo gobolka Bay waxaa ka socda shir ay isugu yimaadeen qeybaha kala gedisan ee 6 gobol ay degaan bulsho weynta Digil Mirifle Shirkaan oo galey maalintiisi 15aad waxaa loogu Hadley arrimo badan kuwaas oo la isku fahmay, ha ahaato dhinaca dib u heshiisiinta iyo nabad ka wada shaqeynta.
Dhamaan ka soo qeygalayaasha shirka ayaa muujinaya niyad samaan iyo rajo wanaagsan kuwaasoo ku tilmaamey shirka inay ka soo bixi doonaan wax wada qanciya dhamaan umada ku shirsan halkaas.
Allaha u naxriistee marxuunka ayaa ahaa xoghaynta shirka qoomiyadaha ergooyinka ka soo qeybgaley shirka kuwaas oo matalaayey dhamaan 6 gobol oo ay degaan qowmiyahada Digil Mirifle sida uu inoo sheegey Maxamed Axmed Cali oo ku sugan magaalada Baydhabo.
Aqoonyahanada ayaa go'aan ku gaarey inay wadaan sirkooda si ay u rumeeyaan riyadooda ayna joojin doonin shirka ilaa laga helo hadafka ay leeyihiin oo ah in la helo dhul nabad ah oo dadkiisuna ay mid yihiin .
dhamaan bulsho
weynta Digil Mirifle ku dhaqan gudaha iyo dibada waxay indhahooda ku
aadanyihiin waxa ka soo baxa shirka ka socda magaalada Baydhabo shirkaas oo
la filayo inuu noqdo mid umada u horseeda midnimo iyo horumar. Maxamed nuur ibraahim (Aasto) |