Shabakadda Bulshaweynta Digil  Mirifle

Gogol ay soo qabaqaabiyeen culmaa'udiinka bulsho weynte Digil Mirifle ayaa looga hadley sidii la isugu keeni lahaa ururka jaaliyada Digil Mirifle ee magaalada Jeddah

Gogol ay soo qabaqaabiyeen culmaa'udiinka bulsho weynte Digil Mirifle ayaa loogu hadley sidii la isuga keeni lahaa ururka jaaliyada Digil Mirifle ee magaalada Jeddah iyo rag ku mucaaradey oo ay horey oga mid ahaayeen jaaliyada in mudo ahna aysan ka muuqan golaha jaaliyada dhexdeeda.

         

Shariif C/Laahi Xaydar iyo sheekh Cali oo ka mid ahaayeen Shuyuuqda dadaalka weeyn u galey  sidii loo soo afjari lahaa qilaafkan ayaa waxay soo jeediyeen  wacdi iyo aayado Qur'aan oo ka hadleya is qilaafida dhibka uu leeyahay iyo faa'idada iyo fadliga isku duubnaashaha, walaalaha Digil Mirifle-na inay yihiin qowmiyad hal ah midnimadeeduna ay muhiimtahay.

 

 

 

Kooxdii wax tabaneysey ayaa la siiyey fursad ay ku soo gudbiyaan waxa ay tabanayaa kadibna 3 qofood ayey iska soo xuleen si ay usoo bandhigaan waxa dibada geeyey inkastoo mowqifkooda ay ku mideysnaayeen dhaliilo ay u soo jeediyeen rag ka mid ah golaha dhexe ee jaaliyada.

Dhanka kale Gudoomiyaha Jaaliyada Digil Mirifle Cumar Mursal Yaxye ayaa u hadley dhinaca maamulkiisa wuxuuna halkaas ka soo bandhigey Dukumintiyo dhowr ah kuwaas oo isugu jira dastuurka jaaliyada iyo xeer hoosaadka sidoo kale wuxuu soo  hordhigey waraaqihii xilka lagaga qaadey raga andacoonaya wuxuuna xusey inay howshoodi ka soo bixi wayeen kana soo jawabi waayeen waraaqo dhowr ah oo lagaga codsanaayo inay soo xaadiraan howshoodina ay gutaan laakiin nasiib xumo taasi ay dhici waysey waxa kale uu ka dhawaajiyey in walaalahooda aysan waxba ka ogeyn waxa ka socda dalka iyo waxyaabaha ay jaaliyadooda qabatey inta uu socdey shirka maamul u dhisida koofur galbeed.

 

 

Sidoo kale waxa uu sheegey Gudoomiyaha Jaaliyada Digil Mirifle in ay haboontahay in  hal meel loogu soo wada jeesto danta Bulsho weynta Digil Mirifle dhankoodina ay diyaar u yihiin wax walboo ay culmaa'udiinka go'aan ku gaaraan.

 

ugu dambeyntii gudiga culmaa'udiinka Digil Mirifle waxay soo saareen 8 qodob oo ay u arkaan maslaxada iyo midnimada Digil Mirifle kuwaasoo ay wada waafaqeen labada dhinac ku qodobadaas oo  ay ka mid ahaayeen in maamulka dhisan sidiisi u sii shaqeeyo.

Shirka ka dib wareysiyo aan la kala yelaney dhamaan ka soo qeybgalayaasha gogoshaasi waxay isu raaceen inay ku faraxsanyihiin waxa dhacey.

Macalin Yuusuf C/raxmaan Cali Malaaqa beesha Hadame ee Jaaliyada K.S.A. Jeddah ahna gudoomiye ku xigeenka xalinta qilaafaadka jaaliyada DM K.S.A Jeddah  ayaa u soo jeediyey dhamaan walaalaha Digil Mirifle inay ka fogaadaan qilaafka halmeelna ay ku soo wada jeestaan waxwalbana inay ka muhiimsanyihiin danta guud.

 

Maxamed nuur ibraahim (Aasto)
nuuraasto@bdigilmirifle.com

www.Bdigilmirifle.com