Shabakadda Bulshaweynta Digil  Mirifle

Xaflad lagu muujinayey wax qabadkii gudiga fulinta ee Beesha Eelaay oo sanad jirsatey


Jeddah BDM: 31/01/2010

Xaflad lagu muujinayey wax qabadkii gudiga fulinta Eelaay oo sanad jirsatey ayaa lagu qabtey magaalada Jeddah ee dalka Sacud Carabiya.

 

Xafladaan oo lagu soo bandhigayey waxqabdkii Gudiga fulinta ee beesha Eelaay ee dalka Sacudi Carabiya tan iyo markii la doortey horaantii sanadkii la soo dhaafey waqtigaas oo loo dhaariyey gudoomiye Bashiir Macalin (Abiyoola) iyo gudigiisa fulinta.

Xafladaan oo aad u balaarneyd ayaa waxaa ka soo qeyb galey dhamaan qeybaha kala duwan ee bulshada hadii ay ahaan lahaayeen Culmaa'udii, Aqooyahano, Idheer-garad, Ganacsadata, Dhalinyaro iyo fanaaniin

.

 

Gudoomiyaha beesha 3 Gember iyo Mashaayiqdooda ayaa waxaa uu qudbad gaaban halkaas ka soo jeediyey uu u sheegey ka soo qeybgalayaasha  in isku xirnaanta iyo midnimada ay muhiim tahay si loo gaarsiiyo dadkeena horumar

 

Waxaa si doo kale halkaasi ka Hadley sheeqa ween ee caanka ah Aaw Sheeq Mad Sheekh Yarow oo hadalkiisa u badnaa waano iyo duco.

 

Sidoo kale waxaa xafladaan lagu Casuumey dhamaan qeybaha kala duwan ee  qowmiyada Digilmirifle ee ku dhaqan Cariga Boqortooyada Sacudi Carabiya.

Si kastaba ha ahaateen xafladaan maha tii ugu horeysey ee ay qabtaaan gudigaan cusub ee horaantii sanadkii la soo dhaafey la dhisey balse waa tii ugu weyneed ee ay ka soo qeyb galaan qeybo kala dowan.

 

  

wararka@bdigilmirifle.com

 

www.Bdigilmirifle.com