|
Shabakadda Bulshaweynta Digil Mirifle |
|
Tartan ku Saabsan Qur’aan Akhris oo maanta lagu qabtey magaalada Baydhabo. Tartan Qur’aan Akhris ah ayaa maanata ka furmay Masjidka Jaamac ee Magaaalada Baydhabo Tartankaas waxaa soo diyaariyay Ganacsatada Magaalada Baydhabo iyo Culmaa’udiinka Magaalada Baydhabo. Munaasabadaan ayaa waxaa ka soo qeyb galay Culmaa’udiin iyo Ganacsato waxaana lagu tartamayay Qur’aanka Kariimka oo dhan sida 30 juz 20 juz iyo 15ka juz waxaana tartamayay Ardayda dhigata Dugsiyada ku yaala Magaalada Baydhabo. Mid ka mid ah Culmaa’udiinka ee Magaalada Baydhabo Sh. C/laahi (Garweyne) ayaa ku tilmaamay Tartankan in uu yahay mid muhiim ah kaasoo waxtar weyn u leh Ardayda barata Qur’aanka kariimka ah waxaana mahad iska leh dadkii soo abaabulay Tartanka, iyo Waalidiinta Ardayda kuwaasoo isku tacluujiyey in ay baraan Wiilashooda Qur’aanka Kariimka. Sanad walba xiliyadaan oo kale marka lagu guda jiro bisha barakeysan ee Ramadaan ayaa Magaalada Baydhabo lagu qabtaa Tartankan si loo buraarujiyo Ardayda dhigata Qor’aanka Kariimka Gabagabadii, Tartankan ayaa si weyn u soo dhaweeyay Shacabka ku dhaqan Magaalada Baydhabo, waxayna u hambalyeeyeen Nimankii isku taxluujiyay in uu khabsoomo Tartankan Cali Ilyas Cabdullaahi |